Taariikh Nololeedkii Fanaankii Waynaa Marxuum Maxamed Axmed Kuluc Oo Kooban

0
404

Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ku dhashay deegaanka Raydab-khaatumo oo ka tirsan gobolka Togdheer,sanadkii 1935kii,waxbarashadiisii waxa uu ku qaatay Somaliland Wakhtigii uu maamulayay Ingriisku.

Isaga oo marxuumku Alle ha u naxariistee fanka ku soo biiray sanadkii 1948kii kana mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Cariga Somalida xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka .

Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska,kuwaasi oo ilaa maanta la xasuusto.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacada Radio Hargaysa,isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyada ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen,Aan Maalo Hasheena Maanqdeen oo Sameeyay Abwaan Saxardiid Maxmaed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.

Marxuum Maxamed Axmed Mudadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay  Xaas iyo Caruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen.

waxan uu Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ilaa wakhtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka soomaaliyeed.

xukuumadda Somaliland ayaa gudi u saari doonta aas qaran oo loo samayn doono murxuumka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply