Turkish Airlines Oo Joojiyey In Rakaabku La Soo Fuulaan Wargeysyadii Lagu Aflagaadeeyay Nebi Muxamed (SCW)

0
375

Ankara (Dawan):  Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines,ayaa gabi ahaanba joojisay in ay soo iibsato guud ahaan joornaalada lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed(CSW)  iyo  joornaalada wax ka sheega diinta islaamka.
Masuuliyiinta shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines   ayaa sheegay in ay jojiyeen gabi ahaanba iibsiga iyo qaadashada wargeysyada aflagaadeeyay Nabe Muxamed(CSW) iyo kuwii taageerada u muujiyay wargeyska sawir gameedka daabacay   ee Charlie Hebdo  ee kassoo baxa caasimadda dalka Faransiiska oo caadastay wax  sheega  Nabi  Muxamed (NNEKHA), a  dib weerarkii lagu qaaday xarunta waegeyskaas oo lagu dilay 12 qof oo u badnaa wariyeyaashii wargeyskaas.
 
 
Shirkadda diyaaradaha  Turkish Airlines oo ka mid ah shirkadaha caalamka ugu duulimaadada badan,ayaa waxay iibsataa  boqolaal nuqul  kala duwan oo kala ah wargeysyada ugu caansan ee caalamka ka soo baxa si ay u akhristaan rakaabka diyaaradda  ugu kala gooshaya duulimaadyada kala  duwan ee ay caalamka ku tagto maalin kasta.
 
 
Maamulka shirkadda  Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ku wargelisay dhowr wargeys oo hore  ay uga iibsan jirtay  maalin kasta wargaysyada ay soo saaraan nuqulo badan in aanay dib u iibsan doonin wargeysadooda, Wargeysyada ay diiday Turkish Airlines inay  iibsato waxaa ka mid ah Joornaalka ka soo baxa Turkiga oo ay leeyihiin Calmaaniyiinta Turkiga ee lagu magacaabo Cumhuriyet.
 
 
Waxaa kale oo ay shirkadda diyaaradaha ee  dalka Durkigu ay joojisay gabi ahaanba iinsiga wargeyska sawir gacmeedka soo saara ee Charlie Hebdo oo caadaystay aflagaadeynta Nebi Muxamed(CSW) iyo guud ahaan wargeysyadii taageerada u muujiyay markii  uu weerarkii Xaruntiisa loo geystay ka dib uu dib u soo saaray cadadyo kale oo uu ku aflagaadaynayo Nabi Muxamed(SCW) wargeysyadii taageeray eek u sheegay in  saxaafaddu xor tahay wax kastana ay qori karaan.
 
 
Tallaabada  ay qaadeen masuuliyiinta  shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines ,ayaa ah tii ugu adkayd ee  Madaxda Shirkadaha iyo waddamada Islaamku ay kaga soo hor jeestaan guud ahaanba warbaahinta aflagaadaysa Nabi Muxamed(CSW) iyo Diinta Islaamkaba.
 
Geesta kale Raysal-wasaaraha dalka Turkiga Axmed Daa’uud Oglu  oo si adag uga hadlay joornaalada caadaystay  wax ka sheegga diinta Islaamka iyo  Nabi Muxamed(NNKHA) in aanay  Xurriyatul Qowl  iyo  madaxbanaanida warbaahintu ahayn in la aflagaadeeyo diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed (SCW)
Waxaa kale oo la filayaa in guud ahaan dalka Turkiga laga mamnuuco joornaalada Diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed(CSW) lagu aflagaadeeyo.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply