Wax ka baro 100 Nin Ee Ugu Taajirsan Caalamka

0
553

Qormadeenan waxaynu kusoo qaadan doonaa akhristeyaal qoraal dhowaan lasoo saaray oo lagu baahiyey wargeyska lagu magcaabo Daily Mail boggiisa uu ku lee yahay Internet-ka,kaas oo lagaga hadlaayey 100 nin ee caalamka ugu maalqabeensan,waxaanay usoo qaateen mid mid iyaga oo soo bandhigay xadiga lacageed ee ay haystaan ragaasi.
Waxaanay u kala horeeyeen sidan soo socota:-
1:Bill Gates :waa aas aasaha shirkadda lagu magcaabo Microsoft,waana ninka ugu maal qabeensan caalamka,isaga oo da’ahaana gaadhaaya  59 sanno jir,waxa uu u dhashay dalkaasi Maraykanka,waxaanu lee yahay saddex caruur ah .
Bill gates waxa uu dhowaan aas aasay shirkad sida ururka oo kale u shaqaynaysa taas oo uu ugu talo galay inay ka shaqayso la dagaalanka xanuunka Polio-da ,waxaanay markii ugu horeysayba ka hawl gashay saddex wadan oo xanuunkaasi ka jiro.
Dhowaan waxa uu Bill Gates ugu deeqay wadamada uu ka jiro xanuunka halista badan ku haya wadamada Galbeedka Afrika ee EBOLA lacag badan ,taas oo xadi ahaan gaadheysa ilaa $50 million ,isaga oo horena la dagaalanka Malaariyadda ugu deeqay lacag dhan $30 billion oo dollar,taas oo uu diyaarinaayey bixinteeda ilaa sannadkii 2000.
Ninkan ayaa lacagta uu haysto lagu sheegaa inay gaadhayso $80.2 billion.
2:Warren Buffett :waa ninka labaad ee ugu qanisan caalamka ama lacagta ugu badan haysta,waana ninka ku xiga Bill Gates,waxaanu kaalintan cidhiidhsanayaa muddo ,iyada oo aan marna laga qaadin kaalintaasi,waxaanu sannadkana noqday ninka labaad ee caalamka ugu lacagta badan.
Ninkani waa 84 jir da’ahaan,waxa u degan yahay dalkaasi Maraykanka ,waxaanu lee yahay shirkadda lagu magcaabo Bershire Hathaway ,waana mid ku taala dalkaasi Maraykanka,isaga oo bishii August noqday shirkadaasi mid faa’iday lacago aad u badan ,taas oo ka dhigtay shirkadii ugu faa’idada badnayd shirkaddaha nooceeda ah ee dalkaasi ka shaqaysa.
Waxaanu ninkani markii ugu horeysay ku darsaday share,kaas oo gaadhaayey lacag ahaan $200,000 oo dollar,halka uu markii dambena noqday ninka la wareegay uguna sheerka badan shirkadaasi.
Sidoo kale caruurtiisa ayaa markii dambe ku yeelatay shirkaddaasi shares kala duwan,kuwaas oo iminka kasoo xereeyey lacago badan sida warbixinta lagu sheegay.
3:Carlos Slim Helu:Waa nin u dhashay dalkaasi Mexico,waana ninka saddexaad ee caalamka ugu lacagta badan ,sida warbixintaasi lagu xusay ,waxaanu haystaa lacag dhan $72.3 dollar,waana Madaxa shirkadda lagu magcaabo Honorary iyo America Novil.
Ninkani da’ahaan waa 74 sanno jir,waana nin ka shaqaysta dhinaca isgaadhsiinta,waxaanu degan yahay magaalada Mexico City ee dalkaasi ,waa nin u dhashay dalkaasi Mexico,waana nin ay kala tageen xaaskiisi sida warbixintaasi lagu qoray,waxa uu lee yahay 6 caruur ah ,waxaanu ka gaadhey waxbarashada Bachelor of Arts/Science,Universidad Nacional Autonoma De Mexico jaamacadda la yidhaahdo ayaanu ka diyaariyey.
Marka la eego shirkadda ninkani masuulka ka yahay waa shirkadda ugu saafisan marka loo eegaayo shirkaddaha ka jira Latin America,waxaana laga helaa cod faseex ah oo saafi ah,waana sababta aadka loogu isticmaalo shirkadiisaasi.
Waxa kale oo laga helaa qalab aad tayo ahaan u fiican ,waana mida dadku ugu isticmaalka badan yihiin ,waxa kale oo uu lee yahay shirkad kale oo lagu magcaabo America Movil,waxaanay ku shaqaysaa Prepaid wireless ah,iyada oo leh dad gaadhaaya 265 million oo macaamiil ah .
Waxaanay shirkaddani ka hawl gashaa 18 wadan oo qaaradda America ku yaala,isaga oo sidoo kalena shares ku leh shirkaddo kale oo ka jira wadankaasi dibadiisa iyo qaaradaasi dibadiisaba.
3:Amancio Ortega:waa ninka kaalinta afraad ku jira,waana nin u dhashay dalkaasi Spain,waana 78 jir da’ahaan,waxa uu lee yahay saddex caruur ah ,waana xaas,waxa uu degan yahay La Coruna oo kamid ah dalkaasi Spain.
Lacagta uu haysto ayaa gaadhaysa $60 Billion,waa nin ku shaqaysta soo dejinta iyo raritaanka waxyaalaha dalkaasi yimaada ama ka baxa,waxaanu lee yahay shirkad weyn oo leh maraakiib iyo diyaaraddo kala duwan,taasa oo caalamka geysa waxyaalaha loo baahan yahay in la qaado.
 
Lasoco………………………………………………………………………………………………………….

Leave a Reply