Wiil Gabadh Wabi Ku Dhacday Soo Badbaadiyey ,Isagii Wabigii Lagu Ilaawey

0
368

Warbaahinta dalkaasi Chine ayaa maanta waxyaalihii ugu badnaa ee ay qortay ka dhigtay wiil dhigta jaamacad ku taala dalkaasi oo naftiisa u huray gabadh ku qarqoontay biyaha wabi ku yaala magaalda uu jaamacadaasi ka dhigto.
Sheekada ayaa bilaabantay kadib markii ay inantaasi  dareentay cidhiidhi dhinaca waxbarashada ah ,taas oo keentay inay u adkaysan weydo,waxaanay taasi keentay in ay isku tuurto wabigaasi oo lagu magcaabo Nanjing ,waa wabi kulul oo ku yaala bariga dalkaasi Chine ,gaar ahaana gobolka lagu magcaabo Jiangsu ,waana halka uu wiilkaasi waxbarashadiisa ka barto,sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu qoray shabakad lagu magcaabo Hanahaist.com.
Wiilkan ayaa kamid ahaa arday jaamacadaasi dhigata oo arkaysay markii ay inantaasi isku tuuraysay wabigaasi,waxaanu noqday qofka keliyaata ee u badheedhay khatarta wabigaasi oo biyaha ku jiraa yihiin kuwo aad u qabow badan,waxaanu ku guulaystay inuu soo badbaadiyo,dibadana usoo saaro,kadibna waxa loo qaaday meel caafimaad si loogu daweeyo inantaasi.
Arrinta ugu yaabka badnayd ayaa ahayd iyada oo wiilkaasi lagaga yimid isla bartii ,waxaana laysaga yimid isaga iyo wabiga oo markii laga soo saaray inanta ee uu soo dhigay dibada ayaa dadka ugu dambaysay,waxaanu isagu waqtigaasi isku deyaayey inuu kelidii kasoo baxo wabigaasi .
Ugu dambayntiina wiilkaasi wuu kasoo badbaadey wabigaasi,waxaanay warbaahintu qoreen warbixiino kala duwan iyo sidoo kalena sawiro laga soo qaaday wiilkaasi iyo gabadha uu soo badbaadiyey,waxaanay ka qoreen faalooyin ay ugu magac dareen qof waliba wuu jecel yahay inuu ogaado dhibta heshay cida dhiban laakin ma sii raacaan cida xalisa.

Leave a Reply