Faransiiska: Dagaal Diimeed ma Dooneyno

0
405

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in aanu  marnaba aqbalayn in uu dabinka ugu dhaco “argagixisada” oo uu faraha la galo dagaal diimeed.
Mr Hollande ayaa hadalkaasi jeediyay xilli dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka socdaan waddamo badan oo  ka mid ah dalalka Islaamka.
Dibadbaxyada ugu ballaadhan ayaa waxa ay ka dhacayaan dalka Niger oo illaa todobo kaniisad lagu gubay.
Mr Hollande ayaa sheegay in Faransiisku uu ahaanaya dal calmaani ah oo u furan diimaha oo dhan.
Waxa uu ugu baaqay dadka dalkiisa in ay midoobaan oo ay ku dhegnaadaan mabaa’diida dalkooda.
Dadka isu soo baxay waxaa u badan dhallinyaro
Dhanka kale dibad-baxyada ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Niamey ee dalka Niger ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid maalba.
Dadka dibad-baxyada dhigaya ayaa dab qabadsiiyay kaniisado isla markaana jeex-jeexay nuqullo ka mid ah Baybalka.
Dadkaasi ayaa arrintaasi uga jawaabaya daabacaadda sawir gacmeed uu wargeyska Charlie Hebdo uu ka sameeyay Nabi Muxammed Naxariis iyo Nabad Gelyo korkiisa ha ahaatee.
Baadari lagu magacaabo Zakaria Jadi, oo kaniisaddiisa la gubay ayaa BBC-da u sheegay in waxba aan looga tagin meesha.
Dalalka kale ee dibadbaxyada ay ka dheceen waxaa ka mid ah, Pakistan, Turkiga, Yaman, Soomaaliya iyo kuwa kaloo badan.

Leave a Reply