“Suldaan Fidmoobay Waxaanu Nidhaahno Garan-Mayno, Dalkuna Cidna Rabshad Ugama Baahna”

0
456

Hargeysa (Dawan) –  Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii u horaysay ka hadlay arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ee galay Buuraha deegaanadda Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in Guurtidu aanay ka gaabin xal u helida arrimaha Nabad-gelyadda.
Guddoomiye Saleebaan oo shalay warbaahinta kula hadlay Xarunta Goleyaasha waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin muddo kordhin ay Gole ahaan u qorshaynayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
“Golaha Guurtiddu xilkiisa si wanaagsan-buu u gutaa, annaguna Suldaan fidmoobay waxaanu nidhaaho garan-mayno, Buurahana uu ku jirana kaga daba tagi-mayno oo reer Awdal iyagaa  ku filan. Dalkuna cidna Rabshad ugama baahna, Nin Suldaan sheegaynayana hadalkiisaba daa ee ILAAHAY ha inoo soo hadeeyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtiddu.
Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in aanay jirin muddo kordhin ay u samaynayaan Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waxaan idin leeyahay muddo kordhin maanta ka wadda-hadli mayno, muddo kordhinta wakhigeeddii ma joogno, maalintay  Doorashadu  kaambiga inna soo saarto  26 June-baan ku ogaa,  Doorashadda ma hore ayaad u soo dhigteen? Waxa weeyaan Bil ka hor ayay arrintaasi soo qaad-qaadideeda leedahay inta ka horaysa waxaanu qabnaa Doorashadda waa la qabanayaa.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply