Wasiirka Maaliyadda Oo Kulan La Yeeshay Qunsulka Turkiga U Fadhiya Hargaysa

0
418

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka dawladda Turkiga u fadhiya magaaladda Hargaysa Ambassador  Musafeer  Yugsel.
 
C/casiis Samaale, oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in ay qunsulka    ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labadda dal iyo sidoo kale iskaashiga ka dhexeeya labadda dal.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Turkiga u fadhiya Somaliland waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii ay wasaaradda Maaliyadu fududay iyo tasiilaad ugu samayn lahayd mucaawimooyinka ay dawladda Turkigu  ay ugu tallo gashay  shacabka ee ka soo dega dekadda Berbera.
 
Wasiirr Samaale, oo faahfaahin ka bixinayay kulankaasi uu la yeeshay wakiilka Turkiga ee Hargaysa iyo waxyaabihii ay isla soo qaadeen, waxa uu yidhi “Waxaan maanta  (shalay) kulan ku yeelanay xafiiskayga qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland, kulankaasina mid aad u qiimo badan ayuu ahaa,  waxaanu ka wada hadalnay waxyaabo khuseeya xidhiidhka labadda dal,  si gaar ahna u khuseeya wasaaradda Maaliyadda iyo Qunsulka. Waxaana kulankani qorsheeyay wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo soo qabtay balankan in aanu Qunsulka ku kulano xafiiskayga”.
 
Waxaanu intaasi ku daray “Marka koowaad waxaanu ka wada hadalnay Qunsulka xidhiidhka u dhexeeya labadda dale e Somaliland iyo Turkiga. Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay mucaawinooyinka  ay dawladda Turkigu siiso Somaliland ama ay ugu tallo galeen in ay siiyaan, aad iyo aad ayaanu runtii ugaga mahad  celinay.
Dhinacyo kala duwan ayaanay dawladda Turkigu diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso,  oo waxbarashadu ka mid tahay, oo ceelasha Biyuhu ka mid yihiin,  oo waxyaabo kale oo khayri ahi ay ka mid yihiin,  iyo dhismaha dugsiyo waxbarasho oo ay dawladda Turkigu doonayso in ay Somaliland ka dhisto ay ka mid yihiin” ayuu yidhi wasiirka maaliyadu.
 
 
Waxa kale oo uu intaasi ku daray wasiirku in ay qunsulka is-kula  soo qaadeen kulankaasi waxyaabaha uu xafiiskoodu sida gaar ah uga baahan yahay in wasaaradda maaliyadu ay ka caawiso ama gacan ka siiso, gaar ahaan sidii ay wasaaradda Maaliyadu cashuur dhaaf ugu samayn lahayd mucaawimooyinka ay dawladda Turkigu keento Somaliland iyo qalabka ay safaaradoodu la soo degto ee ay xafiisyadooda.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay waxyaabaha ay sida gaarka ah isaga baahan yihiin wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Turkiga ee Hargaysa,  oo wixii baahiyo ah ee ay sida gaarka ah wasaaradda maaliyadda uga baahan yihiin iyo waxyaabaha ay Somaliland ku caawinayaan iyo sidii cashuur dhaaf loogu samayn lahaa waxyaabaha ay Somaliland keenayaan iyo waxyaabaha kale ee ay xafiisyadooda keenayaanba” .
 
Dhinaca kale wasiirka Maaliyadu waxa uu tilmaamay in ay qunsulka  is-kula soo qaadeen kulankaasi in dawladda Turkigu ay kordhiso taageeradda kala duwan ee ay siiso Somaliland, isagoo xusay in wakiilkuna uu uga balan qaaday in ay caawimooyinka u kordhin doonaan.
By: Khadar C.Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply