Baarlamaanka Koongo oo Taageeray Tirakoob

0
413

Xubnaha Baarlamaanka ee dalka Congo ayaa taageeray xeer haddii uu sharci noqdo laga yaabo in uu dib u dhac ku keeno doorashada madaxtinimo ee dalkaasi. Xeerkan ayaa waxa uu hindisayaa in la sameeyo tirakoob guud oo qaran ka hor inta aanan doorashada la qaban.
Dowladda ayaa waxa ay qiraysaa in ay qaadan karto dhowr sano in la dhamaystiro tirakoobka. Mucaaradka ayaa ku doodaya in hadafka laga leeyahay qodobkan yahay sidii mudada loogu dheereyn lahaa madaxweynaha haatan xilka haya ee Joseph Kabila, oo uu xilkiisa ku egyahay 2016-ka.
Inta badan xubnaha mucaaradka ee baarlamaanka waa ay qaadaceen codka loo qaaday qodobkan, waxayna ku doodeen in talaabadan tahay afgambi loo marayo dastuurka.
Madaxweyne Joseph Kabila, ayaa waxa u dhamaanaya xilkiisa labaad ee uu madaxweynaha yahay 2016-ka dastuurkana uma ogolaanayo in uu mar saddexaad isa soo sharaxo ama xilka qabto.
Xubnaha Mucaaradka iyo dadka falanqeeya arrintan ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex sano ay qaadan doonto in la kaamil yeelo tirakoobka, sidaasi darteedna haddii ay dhacdo in qodobkan uu sharci noqdo, waxa laga yabaa in uu dib u dhac ku keeno doorashada, mudadana u kordhiyo madaxne Joseph Kabila.
Horaantii todobaadkan, afahayeenka dowladda ayaa qiray in tirakoobka uu dib u dhigayo diirashada. Balse waxa uu ku dooday in tirakoob la sameeyey ay gacan siinayso sidii lagu heli lahaa dooarsho xor iyo cadaalad u dhacda.
Qodobkan waxa Isniinta beri ah ka doodi doona aqalka Senate-ka. Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa ugu baaqay taageerayaashooda in ay dibed bax ka hor dhigaan oo ay qabsadaan baarlamaanka berito.
 

Leave a Reply