Xidigii Iftiimiyay Masrixiyadda Fanka Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Hargeysa

0
382

Hargeysa (Dawan) ALLE ha u naxariistee waxa shalay Xabaalaha Naasa-hablood ee Magaaladda Hargeysa Aas qaran loogu sameeyay  Fanaankii weynaa ee  Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo Sabtidii i todobaadkan ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa, waxaana aaska Marxuumka ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin ka socday saddexda Xisbi qaran, Xildhibaanno ka tisan Baarlamaanka, bahda Fanaaniinta iyo dadweyne tiro badan oo aad u danaynayay ka qayb-galka aaska Marxuumka.
Ugu horayn Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray Eheladdii iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, waxaanu yidhi  “Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa Qoyskii uu ka baxay Fanaankeenkii iyo hal-abuurkeenii weynaa ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, waxaan ALLE uga barayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, Eheladii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland Samir iyo Imaan ha innaga siiyo. Waxaan ILAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qabrigana u waasiciyo.”
 
 
 
 
 
Wasiir ku xigeenka ku xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa tacsi u diray Eheladii uu ka baxay Marxuumku, waxaanu yidhi “ILAAHAY waxaanu ka baryaynaa qoyskii, Ehelkii, qaraabadii  iyo dhammaan Ummadda reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo, Marxuumkana  ALLE naxariistii jano ka waraabiyo.”
Guddoomiye ku xigeeka koowaad ee Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka waramay Shakhsiyaddii Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, waxaanu yidhi  “Marxuum Maxamed Kuluc waxa uu ahaa Shakhsi karaamo,  Asluub iyo Gobanimo leh, muddo 6 Sannaddoo ka badan dadkii Taariikhda lahaa-buu ahaa ALLE naxariistii jano ha ka waraabiyo, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samar iyo Iimaan ha ka siiyo.”
Sidoo kale Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo Aqoon-dheer ay isku lahaayeen Marxuum Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka waramay  taariikhdii ALLE ha u naxariistee Marxuum Kuluc, waxaanu yidhi  “ALLE ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ahaa Fanaantii ugu horeyeeyay ee Masraxa isa-soo taaga waanu ku hir-galay, waxa uu ahaa Ragii Gumaysiga la Halgamay ee kiciyay sida hadda la iskaga soo Mustaafuriyo Yurub iyo Carabaha. Magaaladdan Hargeysa markii uu Hees ka qaaday Ninkii laga mustaafuriyay ayuu ahaa oo meesha la yidhaaho Rabayd Khaatumo oo Hawdka ku taala ayaa loo mustaafuriyay, Ninkii ku dhiiray inuu qaado Hees ka soo hor-jeeda Gumaysiga Ingiriiska ayuu ahaa  Marxuum Maxamed Axmed Kulucu, Nasiib-wanaag mudadii u dambaysana Masaajidka ayuu ku jiray ILAAHAY-na naxariistii jano ha ka waraabiyo.”
 
 
Dhinaca kale waxa Eheladii uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Kuluc uu tacsi u diray Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Abwaan Xasan X. Cabdilaahi  (Xasan-ganay)  iyo qaar ka mid ah bahda Fanaaniintii  ay ku wada-jireen Fanka, kuwaas oo ka waramay Taariikhdii uu Fanka ku lahaa ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Kuluc.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply