Hay’adda FOA Oo Wasaaradda Beeraha Ku Wareejisay Sideed Baabuur

0
405

Hargeysa(Dawan):  Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay  ka qayb galay munaasibad Wasaaradda Beeruhu    kula wareegaysay 8 baabuur oo ay Hay’adda FAO ku wareejisay, baabuurtaasi oo uu ku caawiyay midawga Yurub.
Gaadiidkan oo ah kuwo loogu tallo galay in ay ka shaqeeyaan   Mashruuc waxbarasho oo 102 Goobood lagaga samaynayo Gobolada dalka. Goobahaas oo ay wax ku baranayaan Shaqaalaha Wasaaradda iyo Beeralaydu.
 
Munaasibadii wasaaradda beeraha gaadiidka loogu wareejinayay oo ka qabsoontay xarunta wasaaradaasi ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday hay’adda FOA iyo ururka midawga Yurub iyo sidoo kale wasiirro ka tirsan xukuumadda.
 
Madaxweyne xigeenka, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa uga mahadceliyay Hay’adda FAO iyo Ururka Midawga Yurub gaadiidkani ay wasaaradda beeraha ugu deeqeen iyadoo ay  Mashruucan maalgalinayaan.
waxaanu yidhi “Waxa farxad noo ah in aanu ka soo qaybgalo xaflada maanta sideeda  baabuur loogu wareejinayo wasaaradda beeraha, wax badana ka tari doona wax soo saarka dalka. Marka labaad waxaan aad ugu mahad naqaynaa, hay’ada FAO, oo mar walba garab tagaan wasaaradan iyo wasaarado kaleba.Si looga maarmo cuntadii aynu dibada kala soo degaynay waxa si weyn inoo caawisay  hay’ada FAO oo hiil iyo hooba inala garab taagan marka wax soo saarka laga hadlaayo, waxa loo baahan  dhul, biyaha aqoonta uu qofku wax kula soo baxo, ahna tan maanta la daadajiyay, ee heer gobol iyo degmo la gaadhsiinaayo oo ay tahay in qofka wax soo saaraya wax la baro si uu u dayactiro beertiisa sida maanta guul aynu ku gaadhi karaana waxaa ay tahay in aynu daryeelno gaadiidka ama qalabka la inoo keeno oo aynu daryeelo hanina guntay ka tolantaa waa in mas’uuliyad la iska saaro.”
 
Waxaanu intaasi ku daray “Markaa waxaan idinku boorinayaa in aynu xil weyn iska saarno waxa la inoo keeno iyada oo maanta beesha caalamku ina daadihineyso oo wixii la inoo keeno ee beesha caalamka iyo EU-du inoo keento aan hagaajisano, waxaan wax ka badan baana aynu uga fadhina beesha caalamka. Waxaa ay Hay’adda FAO yo Midawga Yurub Ay Gacan Weyn Ka Geesteen Inay inaga Caawiyaan Wax Soo Saarkii Dalka,  Marka Wax Soo Saar Laga Hadlaayo Waa shey Aad Mihiim U Ah Oo Ku Xidhan Aqooon Waan Ilahay Mahadii Mar Hadii Ay Maanta Inaga Caawiyeen Aqoontii OO Ay Fidiyeen Isla Markaana Ay Daadijiyeen Aad Iyo Aad Baanu Uga Mahad Naqeynaa Sidoo Kale Waxaanu Aanu U Mahad Naqeynaa Wasaarada Beeraha Somaliland Oo iyadu Dadaalkan Xooggan Muujisay” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.
 
 
 
 
Waxa kale oo isna madashaasi  ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada beeraha  Mr. C/laahi Ismaaciil waxaanu yidhi “Haddii aanu warbixin kooban idinka siiyo gaadiidkani waxa uu ka id yahay barnaamij la yidhaahdo  FFS  ama  dugsi goobeedyo beeraleyda ah, barnaamijkaas waxa naga caawiyay EU-da, iyadoo noo soo marisay hay’ada FAO oo sida, aad ka warqabtaan wasaarada beeraha wada shaqayn dhow la leh.  Mashaariicda la fuliyay iyo kuwa ay imika la wadaana, aan kow iyo laba toona lagu soo koobi Karin, barnaamijka  FFS  waxa uu ka socdaa lix gobol oo ay ka mid yihiin  Awdal, Gabiley, Maroodi Jeex, Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh iyo Togdheer.”
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Barnaamijkaasi waxa uu ka kooban yahay oo ku shaqeynayaa shaqaalaha wasaarada beerhaa oo imika qayb ka mid ahi fadhido oo la tababaray, loona tababaray barnaamijka “FFS” ka, ee dugsi goobeedyada, cilmiga lagu gaadhsiinayo beeraleyda sida aad ka warqabtaan waxaanu baryahanba ku jiray cilmi daadajintii, ku xidhaan jirtay wasaarada beeraha oo kaliya in loo soo doonto cilmiga ama fidinta beeraha ha noqoto ama la dagaalanka cayayaanka, ha noqoto ama ciida iyo biyaha sida loo qabto ha noqoto  howshaa iyada ah, hoso baana u daadajinay waxaananu gaadhsiinay heer degmo, heer gobol ilaa heer beeralay, barnaamijkaas ka sahqayn doonaan barnaamijkana waa sanad.Waxaan rajeynaynayaa, gaadiidkaa nala siiyay  iyo dadka naloo tababaray in aanay sanad uun shaqada kaga dhamaane waxaanu hay’ada ka rajeynaynaa in naloo krodhiyo tababarka shaqaalaha wasaarada iyo gaadiidkaba.
Dhinaca kale   madaxa hay’ada FAO ee Somaliland Maxamed Jaamac Gahayr, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay barnaamijyo kala duwan oo ay hay’adda FOA la waddo wasaaradda beeraha iyo sidoo kale qorsheyaasha danbe ee ay doonayaan in ay la qabtaan wasaaradda waxaanu yidhi “Waxaanu idiin sheegaynaa in wasaarada ay la wado barnaamijyada hay’ada “FAO” barnaamijkan oo ah mid balaadhan oo ay qorsheyaashooda la timid badankooda oo aragtidoodi, aanu ka turjumeyno in aanu wax ka qabano qorshayaal kale oo badanina way noo diyaarsan yihiin oo ay wasaaradu codsatay oo iyana loo helo in la wadi doono.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply