Banaanbax Hiil u Ah Diinta Islaamka Oo Ka Dhacay Hargeysa

0
677

Hargeysa (Dawan) Banaan-bax lagaga soo hor-jeeday Sawir gacameedkii Wargeyska Charlie Hebdo  ee ka soo baxa dalka Faraniiska uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH) ayaa shalay ka dhacay Magaaladda Hargeysa, kaas oo ay dhigeen dadweyne tiro badan oo ka dhiidhiyay aflagaadooyinka uu diinta islaamka u geystay wargeyskaasi.
 
Banaanbaxan ayaa waxa uu ka dhacay badhtamaha Magaaladda Hargeysa, waxaanay Dadweynihii dhigayay ay siteen Boodhadh ay ku xardhanaayeen  erayo loogu jawaab celinayo Wargeykaasi aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH).
Qaar ka mid ah Dadkii Banaanbaxan samaynayay ayaa sheegay in ujeedada ay Banaanbaxan u dhigeen ay tahay siday u muujin lahaayeen siday uga soo hor jeedaan aflagadaada uu Wargeyskaasi u geystay Nebi Maxamed (NNKH), waxaanay yidhaahdeen “Waxaan ka mid ahay Dhalinyaradda ku nool Magaaladda Hargeysa ee ka dhiidhiyay aflagaada uu Wargeyska ka soo baxa Dalka Faraniisku u geystay Nebi Maxame (NNKH) ee Sawiradda foosha-xun ay ka sameeyeey, waanu ka ka soo hor-jeednaa.”
 
“Nebi Maxamed (NNKH) qiimaha uu leeyahay Naftada iyo Maalkayga waanu ka horaysiinaynaa , Sawiradda foosha-xun ee Gaaladdu ka faafisayna waanu ka soo hor-jeednaa,”ayuu intaas raaciyay mid ka mid ah qaban-qaabiyeyaashii banaan-baxaasi.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa ofice

Leave a Reply