Buurta Mount Athos Oo Noqotay Buurta Keliyaata Ee Ay Dumarku Ka Mamnuuca Ahaayeen Muddo Dhan 1000 Sanno

0
494

Buurta lagu magcaabo Mount Athos waa buur ku taala dalkaasi Greek-ga,taas oo ay ku yaalaan meelo lagu cibaadaysto ,laguna cibaadaysan jiray qarniyo badan,waana buur aan wax dumar ah lagu arag ilaa 1000 sanno muddo dhan,iyada oo ay halkaasi ka mamnuuceen wadaadada diinta ee ku sugnaa,taas oo keentay in aanay halkaasi iman maalintaasi la mamnuucay dumarkaasi ilaa maanta.
Buurtan ayaa sidoo kale loo yaqaanaa Sacred Mountain,waana macne ahaan Buurtii muqadiska ahayd,waxaana ku nool wadaado diimeed haysta diinta Kiristaanka,gaar ahaana mad-habka loo yaqaano Orthodox-ka.
Buurtan ayaa ah mid aad u dheer oo ku dhex taala meel jasiirad ah,waana mid laga dhisay dhismeyaal kala duwan,waxaana la yidhaahdaa waa dhismeyaasha ugu quruxda badan gobolka ay ku taalo ee Aegean .
Waqtigii ay dalasi xukumi jireen Romans-ku waxa buurahan loo yaqaaney Semi-Calcedes  Bokta,maantana waxa loo yaqaanaa Holy Mountain,iyada oo laga dhigay meel iskeed u Madaxa banaan,kana madaxbanaan wixii siyaasad ah gebi ahaanba.
Buurtan waxa ka dul dhisan magaalo dadka ku nooli gebi ahaanba ay yihiin rag,mana jiraan wax dumar ah oo halkaasi ku nooli,waana dad wadaado ah,iyada oo caan ku ah magaaladani in qof kasta oo doonaaya inuu diinta wax ka barto (waa Diinta Kiristaanka)ee inuu yimaado halkaasi,waxaana u caasimada magaaladan buurta ka dul dhisan magaalo la yidhaahdo CARIS Karia and IACUTE,waxaana magaaladan iyo buurtanba lagu daray liiska loo yaqaano World Heritage oo ay qorto hay’ada UNESCO sannadkii 1988 kii ayaana lagu daray.
Waxa sidoo kalena jira dastuur ay lee yihin oo ah mid ay qoreen sannadkii 1924 kii,kaas oo waxyaalo badan diidaaya,waxaana dastuurkaasi la waafajiyey ka dalka Giriiga sannadkii 1975,iyada oo cida xukumaysana loo soo diraayo gobolkaasi isaga oo ka socda dawlada dalkaasi,laakin waa inuu noqdaa qofkaasi wadaad.
Sababta dumarka looga mamnuucay ayaa lagu sheegay inay tahay iyada oo laga ilaalinaayo ragaasi inay wax dareen ah yeeshaan,waxa kale oo iyaguna ka mamnuuc ah xayawaanada dhediga ah qaarkood ,gaar ahaana digaaga iyo Bisadaha,waxaanay aaminsan yihiin in haddii gabadhi soo gasho ay ceeb ku noqonayso.
Iyaga oo halkaasi sidoo kale ku tixgeliya waxay u yaqaanaan Theotokos,taas oo ah waxay caabudaan ,waxaanay yidhaahdaan waxa mulkiga buurtan iska leh isaga oo keliyaata ,lamana ogola waxaan rag ahayn inay yimaadaan.
Sidoo kalena waxay aaminsan yihiin in Maryam oo ah Nebi Ciise Hooyadii CSM ay iyadu buurtan mulkigeeda gaar u lee dahay oo aanay ahayn in ay soo gasho gabadh aan iyada ahayni.
Waxaana yaala sharci dhigaaya in cidii soo gasha buurtaasi ee dumar ah lagu xukumo sannad ama laba sanno oo xadhig ah.
 

Leave a Reply