“Jidka Ceerigaabo Waxay Ahayd Riyo Ay Adag Tahay Inay Ku Fikiraan Dadka Aan Aragtida Fog Lahayni”

0
393

Burco (Dawan)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliand Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si dareen leh uga hadlay furitaanka  wejiga koowaad ee dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ku tilmaamay riyo rumowday.

Jidkan oo dhismaha furitaanka wejigiisa koowaad  uu todobaadkan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xadhiga ka jaray,  ayuu wasiirku ku tilmaamay inay ahayd riyo adag oo aanay ku riyoon Karin dadka aan aragtida fog lahayni.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Shalay markii jidkan la dhagax dhigay qolo badan oo uu dhibo samaha u biira dalkeena iyo dadkeenu waxay lahaayeen waa been, markii aanu qalabka dirnay waxay lahayeen waa been, markii cara-tuulka aanu saarnay waxay lahaayeen waa been bal maantana maxay odhan?

Waxa laga joogaa 484 cisho ka dib arkii madaxweynaha Somaliland uu dhagax-dhigay mashruucii ugu weynaa ee dalka laga dhagax-dhigo oo ah jidka Ceerigaabo.”

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Waxay ahayd riyo ay adag tahay inay ku riyoon karaan dadka aan aragtida fog nolosha ka yeelan karin ama aan lahayn dhiiranaanta xaqiijinta himilooyinka nolosha. Mudadaas 484-ka cisho ah, waxaanu ku jirnay inaanu soo gaadhno maanta oo kale, si aanu cod dheer ugu sheegno inay wax walba suurogal yihiin haddii muruqa iyo maalka la isku darsado.” “Ugu horeyn si aanu u yareyno kharashka badan ee waddooyinka ku baxa waxaanu dalka dibaddiisa ugu dirnay qalab “Earth Moving Machines” kuwaasoo qayb weyn ka qaata dhismaha iyo dhimista kharashka ku baxaya jidkan, sidoo kale si aanu u xaqiijino hadafkan waxaanu ka xukuumad ahaan iska jarnay qayb yar oo ka mid ah mushaharka bilaha ah ee aanu qaranka ugu shaqayno, si ay bulshada inteeda kalena ugu dhiirato, taasoo ay ku xigtay inaanu bulshada qaybaheeda kala duwanna ka codsanay inay ka qayb qaataan dhismaha jidkan muhiimada weyn ugu fadhiya qarankeena Somaliland, halkaasoo aanu u furnay sanduuqyo “Accounts” ay ku bixin karaan wixii kolba ay ku taageerayaan jidkaas dheer ee isku xidhaya Togdheer  iyo Sanaag, si aanu kor ugu qaadno nadiifnimada iyo is-aaminada “Transparency” waxaanu abuurnay website laga daalacdo qof walba oo wax ku darsaday mashruucan, kaasoo wax badan ka taray tartanka caafimaadka qaba ee dhanka wanaaga iyo khayrka lagu tartamayo.” Ayuu ku yidhi wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, qoraal uu arrintaasi kaga hadlay oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay internetka ee guusha.com

 

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay wax badan tartay tacriifado ay xukuumaddu kusoo rogtay bulshada si loogu biiriyo dhismaha jidka Ceerigaabo, taasoo uu xusay inaanay dadkana culays badan ku haynin. “Jidka oo dheer iyo kharashka ku baxaya oo badan darteed waxa lagama maarmaan noqotay in tacriifad kooban oo aan qofka bixinayana dhibayn waxa ay taraysaana badan tahay u saarnay xoolaha nool, halkaasoo golaha sharci-dejintuna cod aqlbiyad ah ku meel mariyeen.” ayuu yidhi Wasiirku.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply