Khudbadda Sannadlaha ee Madaxwaynaha Maraykanka

0
415

Khudbadiisa sanadlaha ah ee Congress-ka Maraykanka, ayaa madaxwayne Barack Obama wuxuu ku dhawaaqay in la soo afjarayo dhibaatada dhaqaale, ballanqaadayna siyaasado dhaqaale si loogu faa’iideeyo bulshada Maraykanka.
Wuxuu kaloo ku baaqay in isbadal lagu sameeyo daldaloolada dhinaca anshuuraha ee u ogolaanaya shaqsiyaadka iyo shirkado in ay bixiyaan canshuur yar ama aysan bixin waxba
Wuxuu sheegay in uu hor istaagi doono sharciyada halista galinaya guulaha uu maamulkiisu ka gaadhay daryeelka caafimaadka, maamulka maaliyadda iyo socdaalka.
Dhinaca siyaasadda dibedda wuxuu ugu baaqay  Congress-ka in la soo saaro sharci fasaxaya in awood loo adeegsado dalka Islaam-ka iyo in Congress-ku uu bilaabo howsha lagu soo afjarayo cunaqabataynta saaran dalka Cuba.
Madaxwayne Obama ayaa sheegay in ay tahay Maraykanku in uu doorto waxa uu doonayo in uu noqdo shan iyo tobanka sano ee soo socota ama tobanaan sano ee soo socda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa dhaleeceeyay khudbada madaxwayne Obama ee sanadlaha ah waxa uuna sheegay in Maraykanku uu abuurayo sababo keeni kara iskudhac.
Isaga oo ka hadlaya Muuqaal araga ama Talafeshinka Ruushka, Lavrov waxa uu sheegay in qaabka khudbadaaasi ay muujinayso in Maraykanku uu doonayo in uu adduunka maamulo.
Laakiin Lavrov waxa uu sheegay in Maraykanka iyo Midawga Yurub looga baahanyahay in ay dib u bilaabaan wadahadal loo simanyahay oo ay la galaan Ruushka.
Lavrov ma-uusan si gaar ah u soo hadalqaadin Ukraine, laakiin waxa uu sheegay in diblamaasiyada reer Yurub ee Ruushka ku aadan ay wax u dhimayso Ammaanka Adduunka.

Leave a Reply