Maxaad Ka Taqaanaa 8 Nooc Ee Hubka Ruushka Kamidka Ah Kuwaas Oo Si Xawli Ah U Horumaraaya

0
588

4: “RPG-30“:waa gantaalo lagu sameeyo wadankaasi Ruushka,waxa sidoo kale la samayn jiray waqtiyadii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku,waana kuwo uu caan ku ahaa waqtigaasi,iyada oo ay aad u isticmaali jireen ciidamada dalkaasi.
Waana hub uu caan ku yahay dalkaasi,iyada oo aad loogu isticmaali jiray dabaabaadka oo lagu gubi jiray waqtigaasi,hubkan ayay dawlada Masar u adeegsatey dagaalkii dhex maray iyada iyo dawlada Israel,sidoo kalena waa mid hadda laga dhigay casri,waxaana la sameeyey qaybo horleh oo lagu jaah wareerinaayo raadaarada,sidoo kalena waxa dhinac socda kuwo aanay qabanayn raadaaradu,iyada oo qaar kamid ah dhowaan la tijaabiyey,halka kuwo kalena la isticmaalay dagaalkii Ukrain iyo Ruushka ee barriga dalkaasi Ukrain.
5: 6B43:noocani waa mid lamid ah qoriga loo yaqaano AK47-ka,waana mid isna waqti hore la sameeyey oo isku mar lala sameeyey ,waana qayb ka mid ah ayaa la yidhaahdaa AK47-ka,laakin kani waxa uu dheer yahay diirad uu lee yahay,iyada oo loogu talo galay in meel fog wax lagaga dilo,iyada oo la adeegsanaayo diiradaasi,waxaana qorigan lagu sameeyey noocyo biro ah,kuwaas oo loogu talo galay in uu gashaan u noqdo askariga isticmaalaaya,waxaana kamid ah waxyaala lagu daray ee uu ka samaysan yahay Titanium oo ah nooc kamid ah waxyaalaha curiyeyaasha ah.
Waana mid loogu talo galay inuu lamid noqdo noocyada ay ciidamada NATO isticmaalaan,waxaana la rajaynayaa in qaybo cusub lagu daro sannadka 2016 siday khubarada ciidamadu sheegeen.
6: AWACS A 100:tani waa mid kamid ah diyaaradaha uu caanka ku yahay waqtigan dalkaasi Ruushku,waana diyaarad inta badan ay adeegsadaan ciidamada dalkaasi.
Colonel-General Alexander Zelin oo ah taliyaha guud ee ciidamada Cirka dalkaasi Ruushka ayaa sheegay inay rajaynayaan inay horumariyaan habka digniinta ee diyaaradahaasi sannadka 2016 –ka,isaga oo sidoo kalena sheegay inay doonayaan inay soo saaraan diyaarado dheeraad ah oo noocoodu yahay A-100,kuwaas oo waxyaalaha kala duwan inay ciidamada u qaadan loogu talo galay,gaar ahaana cirka iyo dhulkaba.
7: Mi28 NE:tani waa mid kale oo kamid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Ruushka,waana diyaarad Helicopter ah,taas oo ay ku rakiban yihiin qoryo kala duwan,waxaanay u dhigantaa ama la mid tahay diyaaradaha dagaalka ee ururka NATO ee loo yaqaano abaajaha.
Diyaaradan yaa ku shaqaynaysa jawi kasta ,gaar ahaana maalintii iyo habeenkii labada waqtiba,waxaanay hubka diyaaradani ku sidataa qaybaha kala duwan ee marawaxadaha hoostooda iyo sidoo kalena shaagaga hoostooda,iyada oo shaqada bilawday sannadkii 1995 kii,waxaanay shaqayn jirtay habeenkii oo keliyaata,iyada oo noocan cusub lagu daray waxyaalo cusub,sida kamarado habeenkii duubitaano samaynaaya,taas oo lagu rakibay cusboonaysiina lagu sameeyey sannadkii 2006 –dii,waxaana la rajaynayaa inay noocyo kale soo baxaan sannadkan 2015 ,iyada oo la filaayo inay bedesho nooca loo yaqaano MI28.
8:  PAK DA:tanina waa diyaarad nooca dagaalka ah,waana nooc aad u qarxisa waxyaalaha kala duwan ee ay dagaalka kula jirto,gaar ahaana dabaabaadka iyo Maraakiibta badda,waa nooc aan la maqli Karin guuxeeda,iyada oo mar keliyaata isu mari karta masaafooyin kala duwan,waxaana noocan oo la yidhaahdo Next Generation ikhtiraacay Kazan oo ah urur dhanka hubka soo saara,iyaga oo haddana ku hawlan sidii ay usoo saari lahaayeen noocyo cusub sannadaha 2025 ilaa 2030.
 
 

Leave a Reply