Qaaradda Afrika Oo Noqotay Qaaradii Shahrul Casalka

0
438

Wadamada qaaradda Afrika kuwo kamid ah ayaa noqday kuwa ugu badan ee waqtiyadan dambe loo tago waxyaalaha loo yaqaano Shahruc Casalka oo ay inta badan sameeyaan dadka  wadamada reer galbeedka ah iyo in kale oo raacdaa,kuwaas oo waqtiyadda arooska lagu jiro la tago loona baxo meelaha ay jecel yihiin inay tagaan kuna soo qaataan waqtigaasi.
Inta badan dadka baxa fasaxan Shahruc Casalka loo yaqaano ayaa inta badan hore u tegi jiray wadamo ku yaala qaaradda Aasiya,gaar ahaana wadamada Thailand iyo Indonesia,kuwaas oo halkaasi kusoo qaata waqtiyadooda intooda ugu badan.
Sidoo kale wadamada Carabta ee Jasiiradda Carabta ku yaala ayaa iyaguna ahaa wadamo la yimaado,kuwaas oo ka heli jiray dakhli badan,gaar ahaana wadamada ku midoobay Imaaraadka Carabta wadanka la yidhaahdo.
Hadaba waqtiyadan dambe ayay qaaradda Afrika meelo badan oo kamid ayaa noqday waqtigan meelaha ugu badan ee loo tago dalxiiskaasi,iyada oo lagu soo qaato waqtiga fasaxa ah ee ay haystaan lamaanaha doonaaya inay soo qaataan,waxaana kamid ah wadamo badan oo ku yaala galbeedka qaaradan Afrika,sidoo kalena wadamo ku yaala Koonfurta Afrika ayaa iyaguna kamid ah meelaha ay dadkaasi u tagaan fasaxa.
Wadamada ay inta badan u tagaan noqdayna kuwa ka hela dhaqaalaha badan dadkaasi ayaa waxa kamid ah:
1:Gambia:waa wadan ku yaala qaaradda Afrika,kaas oo leh xeeb dheer oo aad u qurux badan,waana wadan loo yaqaano (Smiling African Coast) oo macneheedu yahay Xeebtii Qosolka Afrika,waxaana halkaasi laga dhisay meelo badan oo hudheelo ah,kuwaas oo hab raaxo leh loo dhisay,waana meelo si qurux badan loo diyaariyey,waana wadan aad u yar oo haddana kamid ah waddamada ugu quruxda badan qaaradan Afrika,waana wadan ku qaniya dhaqano wanaagsan iyo dabeecad wanaag.
2:Morocco:waa wadan Muslim ah oo ku yaala qaaradda Afrika ,gaar ahaana waqooyiga qaaradan,waana wadan Carbeed,waa wadan ku qani ah dhaqan wanaag ,waana wadan ay ku yaalaan hudheelo dal xiis oo aad u qurux badan ,sida Reed Tamadot  oo uu lee yahay ninka lagu magcaabo Richard Branson ,waana nin ku guulaystay sannadkii 2011 kii abaal marintii hudheelada ugu fiican Afrika.
3:Seychelles,oo ah jasiirad yar oo ku dhinac taala qaaradan Afrika ayaa iyaduna kamid ah,sidoo kalena wadanka South Afrika ayaa isna kamid ah wadamada ugu fiican ee la tago,wadanka Cape Verde oo ku yaala Galbeedka Afrika ayaa isna kamid ah meelaha ugu dalxiiska badan waqtigan qaaradda Afrika,waana meelaha beryahan dambe xooga u dhismay.
 

Leave a Reply