Ruushka oo Maraykanka Dhaleeceeyay

0
437

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa dhaleeceeyay khudbada madaxwayne Obama ee sanadlaha ah, waxa uuna sheegay in Maraykanku uu abuurayo sababo keeni kara iskudhac.
Isaga oo ka hadlaya Muuqaal araga ama Talafeshinka Ruushka, Lavrov waxa uu sheegay in qaabka khudbadaaasi ay muujinayso in Maraykanku uu doonayo in uu adduunka maamulo.
Hadalkaasi waxa uu yimid kahor shirka Baarliin lagu qabanayo ee looga hadlayo xaaladda Ukraine, taas oo uu Lavrov ku sheegay in diiradda lagu saari doono dhaqangalinta xabad joojinta.
Ruushku waxa ay diideen in ay si toos ah ugu lugleeyihiin dagaalka, laakiin Ukraine waxa ay ku eedaysay in Ruushku uu masuul kayahay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay bariga Ukraine
 
 

Leave a Reply