Talyaaniga: Pompey Magaalo La Halaagay

0
428

Magaalada Pompey oo ku taalla dalka Talyaaniga ayaa ahayd goob camiran oo ay ku noolaayeen dad gaadhaya 200,000 kun.  Waxay ahayd magaalo ganacsi iyo barwaaqo ah wakhtigii uu ka talinyay boqorkii Nairon.  Bulshada magaalada aya u badnaa dad maalqabeen ah. Wakhtigan waa goob loo dalxiis tago laakiin arimaheeda waxa la ogaaday qarnigii 19aad wakhtigaasi oo la soo saaray aasarteeda qadiimiga ah. Waxay caan ku ahayd ganacsiga ka hor halaageeda waxaan wakhtigaasi loo yaqaanay Heirkolniyum.  Kibirka iyo xumaanta ayaa ka soo shaac baxday magaaladan. Iyadoo goob kasta ka furanaayeen  guryaha dumarka jidhkooda ka ganacsada.  Magaalada ayuu ku qarxay Folkano culus oo aan waxba ka reebin dadkii degenaa. Baadhitaano la sameeyay ayay culimo badani ku cadaysay in dhagxanta muuqaalka aadamiga leh ahayeen dadkii degenaa oo sidan isu bedelay Waxaana ay cadeeyeen in Folkanaha wakhtigaasi ka dhacay aanay suurtgelin in qofna ka badbaado.
 

Leave a Reply