“Waxa Cadaatay In Mashaariicdii Madaxweynuhu Hore u Dhagax-dhigay ay Hirgaleen”

0
385

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Cali Yuusuf Axmed ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaayo ku bogaadiyay socdaalka uu ku marayo Goboladda iyo Degmooyinka dalka.

 Cali Yuusuf oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in booqashaddii shalay Madaxweynuhu ugu tagay Ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ay muujinayso sida Madaxweynuhu uga war-hayo xaaladda ay ku sugan-yihiin Ciidamadda sugaya xuduudaha Somaliland.

 Cali Yuusuf oo arrimahasi ka hadlayay  waxa uu yidhi  “Waxaan hambalyo weyn u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Safar Kormeer ah ku maraaya Gobolada Somaliland isaga Iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo,  waxaa kale oo aan ku hambalyaynayaa geesi-nimada uu ku maray dhulkaa Xuduuda ah ee aanu waligii Madaxweyne marin oo hadh Iyo habeenba kolba marka ay ku soo beeganto maraayey. Sidoo kale waxaan Madaxweynaha ku hambalyaynayaa adkaysigaas badan ee uu meel ay Dhalin-yaraduba ku daali lahayd 24 Saacadood ,hadal,dhagax-dhigid iyo furitaanka Waddooyinka ka sameeyay.”

Guddoomiye Ku xigeenku  waxa uu intaas ku daray  “Waxa dad badani ay sheegi jireen oo ay odhan jireen dhagax dhigaasi waxba kama jiraan oo waa dhagax lagu turaan-turoonaayo ayuu Madaxweynuhu noo dhigay oo waxba ka hir-geli mayaan ayay lahaayeen,  laakiin waxa maanta cadaatay Mashaariciidii uu hore u dhagax-dhigay In ay noqdeen kuwo dhab ah, kuwa cusub ee uu maanta dhagax-dhigayna wey fulayaan.”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu ku bogaadinayo booqashada ugu tagay Ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan Madaxweynaha ku hambalyaynayaa in uu tagay Bariga oo hore been looga sheegi-jiray, lana odhan jiray Madaxweynuhu ma tagi-karo Laasacaanood oo Burco ayuu ku soo noqonayaa, balse waa taas cadaatay oo Ciidanka jiida hore jooga waa kaas soo booqday, arrintaasina Ciidanka dhiiri-gelin ayay u tahay. Madaxweynahana waajib ayay ku tahay inuu Ciidankiisa jiida hore jooga iyo kuwa kaleba ka war hayo waana waajib uu gutay, waanu ku amaanan yahay.”

By: Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply