Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Ugu Baroor-diiqday Boqortooyada Sucuudiga

0
418

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray B oqortooyadda Sucuudiga oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Boqorkii dalkaasi Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis oo ku geeriyooday habeen hore cisbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalkaasi Sucuudiga.

Sidaasna waxa madaxweynuhu ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Boqortooyada Sucuudi Arabiya, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis Aala sucuud oo 23.01.2015 ku geeriyooday dalkaasi Sucuudiga.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo boqortooyada Sucuudi arabiyana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Hambalyo u diray  boqorka cusub ee la wareegay boqortimimada Sucuudi arabiya, Amiir Salman Bin Cabdicasiis, oo dhaxal suge u ahaa boqorka geeriyooday.

 Waxaanu madaxweynuhu ALLE  uga baryayaa inuu xilka u fudaydiyo Amiirka, kana dhigo mid dalkiisa ku hogaamiya isku duubni iyo wada shaqayn waarta.”

By: Cumar M.Faarax

Leave a Reply