“Baarlamaanka Yurub Waxaanu u Sharaxnay Dimuquraadiyadda Somaliland”

0
396

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in kulankii wefti uu hogaaminayey ay la yeesheen baarlamanka Yurub lagu waydiiyey su’aalo badan oo ay si fiican uga jawaabeen. Wasiirka oo ka hadlay kulankaas oo ka dhacay dalka Belgium, kaasoo wefti ay ka mid yihiin wasiirka qorsheynta Dr. Sacad Cali Shire iyo Drs. Edna Aadan ay qaddiyada Somaliland u sharaxeen baarlamanka Yurub, waxaanu u mahad-celiyey dadka fursaddaas siiyey. “Waxa nala waydiiyey su’aalo fiican oo na siiyey fursad aanu dadkii ugu sharaxno qaddiyada Somaliland, su’aalaha nala waydiiyey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya halka ay marayaan, waddanku siduu ahaan jiray, dadka intooda badan kama qarsoona Somaliland horumarka ay gaadhay, hadday tahay xaga nabadgelyada , xaga dimuqraadiyadda, xaga doorashooyinka, taasoo ay aad u dhiiri-geliyeen oo ay aaminsan yihiin, mabaa’diida caalamku aad u aaminsan yihiin, wax aka mid ah xuquuqal iinsaanka, warbaahinteena sidaynu ula dhaqanno iyo sharciga oo sareeya.” ayuu yidhi wasiirka khaarajigu, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Dadka aanu u nimi waxaanu u sharaxnay inaanu waddamo fara badan oo dunida iyo Afrika ah kaga horeyno arrimaha xaquuqal iinsaanka, dimuquraadiyadda iyo sida aanu nabadgelyada u dhisnay, waxaanu u sharaxnay dagaalka weyn ee Somaliland kula jirto argagixisada, budhcad-baddeeda, taasoo haddii aanay Somaliland arrimahaas aanay galin dhibaatada halkaas taalaa ay halkanna (Yurub) iman doonto, aad iyo aadna way ugu qushuuceen halka ay nabadgelyada kaga jirto Somaliland.” Weftiga Somaliland ayaa baarlamanka Yurub la kulmay, isla markaana kulan gaar ah la yeeshay guddida arrimaha dibadda ee baarlamankaas, arrintan ayaa la filayaa inay wax ka bedesho xidhiidhka Somaliland iyo waddamada reer Yurub ee ku midaysan Midawga Yurub. By: Cabdi M.Safwaan

Leave a Reply