Ciidanka Qaranka Oo Wax-garadka Xaafadda Masalaha Ku Wareejiyay Afar Garoon Ciyaareed iyo MCH

0
396

Hargaysa (Dawan): Cutubka Ciidanka Qaranka ee   degan xaafadda Masalaha ee Koonfurta Hargaysa ayaa si rasmiya ugu wareejiyay odayaasha iyo waxgaradka xaafadaasi   Afar Garoon oo kuwa ciyaaraha ah iyo xarun MCH, meelahaasi oo ka mid ah kuwo maalmahanba la sheegayay in ciidanka qaranku ay iibsadeen.
 
Munaasibad ay odayaasha xaafadda Masalaha ku gudoomayeen dhulkaasi  uu   ciidanka qaranka ee cutubka degan xaafadda Masalaha ee woqooyiga Hargaysa, oo shalay lagu qabtay isla xaafadaasi ayaa waxa   goob joog ka ahaa Gaashaanle sare  Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale),  oo ah hogaanka hawl-gelinta ciidanka qaranka Somaliland.
Kuwaasi  oo ka guddoomay hogaanka hawl-gelinta ciidanka qaranka Maxamed Aadan  Saqadhi (Dabagale),  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin in ciidanka qaranku la wareegay garoomadaasi, tahayna war aan sal iyo raad toona lahayn,
 
 
Waxaana  uu yidhi “Goobta aan joogo oo ah xerada gasam loo yaqaano oo ah xero qaali ugu ah ciidanka qaranka oo Airportka kaga taala dhinaca galbeed waqooyi, ayaa waxa dhacday hadal  badan ayaa rag ka jeediyay ay ku durayaan ciidanka qaranka iyo madaxdiisa oo ay leeyihiin garoomo ayaa la cunay, odayaashani waxay  noogu yimaadeen oo ah cuqaashii Masalaha ee jaarka la ah garoomadan in aan ku wareejino garoomadii ciidanka qaranku bixiyey oo ka kooban saddex garoon iyo kii basketballka iyo MCH oo taliyaha ciidanka qaranka bixiyey  ayaan rabaa in aan odayaasha ku wareejiyo si ay been u noqoto arrintii la sheegayay ee ahayd garoomaa la cunay,  in aanu cadayno”.
 
Caaqil Liibaan Fadhfadhle oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in cuqaashii eedaysay ciidanka ay yihiin dadka doonayay in ay iibiyaan garoomadan.
waxaanu yidhi  “Sidii taliyuhu ka dhawaajiyay waxa noo cadaatay in cida wax cunaysaa tahay cidan hadlaysa oo faylal u samaysatay halkan waxaan lagu wareejiyay afartii garoon MCHkii iyo kii basketball-ka  ragii hadlayayna waxay lahaayeen waa la cunay taasi waa aflagaado qaran, arrintaasina tahay been waxa la sheegay in ciidanka qaranku cunayaan garoomadii dhallinyarada loogu talogalay, horta marka hore iyaga oo qorsheeyay maantana way na gudoonsiiyeen garoomadaas oo waaweyn, ciidankaas iyo saraakiishooda xaal baanu siinaynaa.”
 
Sidoo kale  qaar ka mid ah cuqaasha xaafada Masalaha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ciidanka qaranka raaligalin ka siinayeen hadaladii lagaga been sheegayay.
 
Waxaana  ka mid ahaa hadaladoodii “Waxaanu leenahay waar ninkii halkan lacag yar u sitayoow jeebka ku rido intan ardaydaa leh. Cidii ka qaadi kari mayso, anaguna ka qaadi mayno, ciidana ka qaadi maayo, waanu ka gudoonay ciidanka qaranka afartaa garoon iyo MCH kaas.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply