Nigeria: Weerar lagu qaaday Maiduguri

0
424

Ciidamada Nigeria ayaa sheegay inay la dagaalamayaan Koox looga shakisan yahay inay yihiin Boko Xaraam magaalada Maiduguri. Weerarka oo bilaabmay habeenimadii, ayaa dadka deegaanka ay sheegeen inay ku soo kaceen qqaraxyo iyo xabado.
Jidadkii oo dhan ayaa la xiray waxaana la soo rogay waqti aysan dadka socon karin wixii ka danbeeya.
Milatariga ayaa sheegay inay kula dagaalamayaan dadka weerarka soo qaaday dhulka iyo diyaarado.
Madaxweyne Goodluck Jonathan ayaa booqday magaalada Sabtidii, isagoo u ololaynaya in mar labaad la doorto, wuxuuna balanqaaday inuu weerarka Boko Xaraam joojin doono.
Maiduguri, waa magaalo madaxda gobolka Borno, waxaana isugu yimid kumanaan dad ah oo ka soo qaxay magaalooyinka iyo tuulooyinka ay Boko Xaraam qabsatay.

Leave a Reply