Doorkii Wasiirka Caafimaadka Iyo Madashii Caleemo-saarkii Garaadka Ee Buuhoodle

0
453

Hargeysa (Dawan)- Marka la qeexayo rukunada horumarku ka dhaqaaqo ayaa lagu qeexaa saddex rukun, kuwaas oo loogu horraysiiyo (leadership) oo aynu u naqaan hogaamin, waxaana kaaba oo tiirar u ah midnimo iyo capitalka, waana qaaciidada la rumaysan yahay in lagu gaadho horumar inkasta ha le’ekaadee.
Haddaba iyadoo caleemasaarku ahaa madal dhaqameed hidde oo ka fog siyaasad, ayaa hadana kuryada mansabka masiir dhaqameedkaa ee madasha lagu saarayaa yahay ka ay ku idishahay talada ma dhaafaanka iyo kama dambaysta ah ee martabaddaa lagu midoobay.
Arintaasi waa ta sababta in ilaha dhaqanka, siyaasada, ganacsiga, waxgaradka iyo haldoorkuba ay dhamaantood ka muuqdaan kana qayb qaataan.
Waxa kale oo iyaduna raacda miisaanka martabadaas ku midaysani sida ay u muuneeyaan, sharfaan, dhawraan, loogana ilaaliyo goldaloolada, waxaana dhinacooda la  wadaagaa dhinacyada ay daaqa, deegaanka, dhaqanka iyo dhalashadaba ay wadaagaan, waxaana halkaa ku hadoodilan xeerar hidde oo soo jireen ah.
Inkasta oo ay siyaadayaan xiligan tirada madax dhaqameedadu hadana waxaa jira tiirar ku astaysan, cimriga iyo waqtiga ay soo jireen, kaas oo mansabkan lagu caano shubayey ahaa mid muddo soo jiray.
Waxaa u dhaxaysay muddo shan bilood iyo siyaado ah Tan iyo intii uu mansabkan banneeyey ILLAAHAY naxariistii jano haka waraabiyee garaad C/Laahi Garaad Soofe, lix habeen uun kadib ayay ahayd markii  loo saaray 50 xubood oo ay ku dhan yihiin beelaha martabadani midayso, si ay u soo xulaan shaqsiga masuuliyadan ka bixi kara, waxayna si buuxda isula qaateen garaad C/Risaaq Garaad Soofe in loo xambaariyo loona idmo xilkan hayntiisa ay aabihii iyo walaalkii soo hayeen.
Gudigii loo saaray muddana ka  shaqaynayey waxay goobta ku haboon madasha iyo martgelinta mood iyo nool meeqaanka ku bixi kara ay u soo gudbiyeen maalinta qabsoonka oo ku beegantay 15 janaury 2015.
Madasha oo gudaheeda lagu qiyaasay in ay fadhiday ilaa 4,000 oo qof waxay ahaayeen marti sharaf mid waliba huwanaa mansabkiisa iyo masiirkiisa isagana kala yimid mandaqado kala duwan oo soomaalidu degto.
Haddaba gobolka Buuhoodle oo hore u ahaan jirtay degmo hoos tagta Gobolka Togdheer, hase ahaatee xiligan ah gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyada Somaliland waxaa  u ambabaxay golayaasha dhaqanka, guurtida, baarlamaanka iyo xukuumada ee jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka caafimaadka jamhuuriyada Somaliland Saleebaan Ciise Axmed oo isagu ka soo jeeday gobolkaasi iyo wafdigii miisaanka lahaa ee goobtaa tegay, waxa uu wasiirkaasi dhabarka u ritay jawigii ay meehaasi ugu tageen, waxaanu sida xaqiiqada ah uu qaatay go’aan qaadasho dibloomaasiyadeed, kadib markii ay goobtaa kula kulmeen maamulo kale oo sheeganaya gobolkaa, waxaanu wasiirku badbaadiyey madashaasi isimkiisa lagu caleemasaarayey, waxaana uu ugu horaynba uu shacabkiisa ku soo jiitay warbixintiisii koobaad isagoo tilmaamay in uu la leeyahay madashan dhaqan wax dhaafsiisana aanu oolin.
Waxayna isaga iyo wafdigiisu ay mutaysteen in soo dhawayn iyo qadarin tii ugu ballaadhnayd lagu soo dhaweeyo, halka masuuliyiin la mid ahaa oo maamulo kale ka soo jeeday lagu soo dhaweeyey kabo iyo waxaanay raali ka ahayn.
Waxaana wasiirka caano ku shubka ka dib lagu soo dhaweeyey microfonkii madasha isagoo khudbad qiimo leh iyo dardaaran u guntay garaadka cusub waxaana ka mid ahaa hadalkiisi, ‘Garaad ha noqon garaad siyaasadeed ee noqo garaad dhaqan’ waxayna sababtay khudbadaasi in garaadka cusubi habeen ka dib wasiirka ugu yimaado gurigiisa ugana mahad celiyo una balan qaado in uu dardaarankiisii balaneed uu in badan tixgelin iyo xasuus siin doono.
Dhinaca kale, waxaa jiray gaadiid meelo badan looga keenay garaadka isagoo garaadkuna aan ka gudoomin gaadiidkii kale halka uu gudoomay gaadhigii uu u waday wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed.
Wasiirka caafimaadka ayaa maalintii caano ku shubka Garaadka,  ayaa gudaha magaalada Buuhoodle ku soo maray socod lug ah , salaam kalgacalna ka qaatay shacabkiisa isagoo goobo taariikhi ah iyo dad muhiim ahna la qaatay sawiro xasuuseed.
Si kastaba ha ahaatee socdaalka wasiirka ee ku aadanayd ka qaybgalka caleemo-saarku waxay ahayd mid keentay kalsooni taasoo ah guul u soo hoyatay xukuumada uu ka tirsan yahay ee jamhuuriyada Somaliland.
Faysal  Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply