Maamulka Gobolka Awdal Oo Farta Ku Fiiqay Cida Ay u Tirinayaan Rasaas Lagu Riday Saldhiga Boorame

0
389

 

“Waxaanu u Tirinaynaa Jabhad Gobolka Ka Baxday oo Xadka Ku sugan…”

Hargeysa (DAWAN)-Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, ayaa daboolka ka qaaday cida ay u tuhmayaan rasaastii habeen hore koox aan la aqoonsani ay ku rideen saldhiga iyo guriga martida ee Boorame. Badhasaab Ku xigeenka Awdal oo shalay u warayay warbaahinta ayaa sheegay in rasaas laga dul riday saldhiga Boorame, waxaanu yidhi “Iyadoo Somaliland oo dhan, nabadi ka jirto haddana waxa gobolka Awdal lagu majeertaa inuu yahay gobolka ugu nabad-gelyada badan wadanka, waxaan leeyahay ha la ilaaliyo nabadgelyadda oo iimaamyada masaajidadu bulshada ha ku wacyi geliyaan adkaynta nabad-gelyadda, arrinta xalay (habeen hore) dhacday waxay ahayd oo rasaasta la riday 2:15 habeenimo, waxaan leeyahay weerarkii la soo qaaday laguma guulaysan, waxaan leeyahay dadweynuhu ciidamada ha la shaqeeyaan oo ha soo sheegaan wixii nabad-gelyada duulaan ku ah.” “Kollay waxa Jirta Gobolka Awdal jabhad ka baxday oo joogta xadka Itoobiya,kuwaas uun baan filayaa inay soo qaadeen arrintan (rasaasta lagu furay Saldhiga), ayuu yidhi Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Awdal. Ciidamada Booliska gobolka Awdal, ayaa xalay gaaf-wareegayay xaafadaha magaalada Boorame, si ay u sugaan ammaanka magaaladaasi, ka dib markii habeen hore dabley hubaysani oo aan la aqoonsani ay rasaas ku fureen saldhiga Booliska iyo guriga martida Awdal. Sidoo kalena Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi ayaa sheegay in aanay cidina wax ku noqon rasaas ay ku fureen dabley aan la aqoonsani saldhiga booliska ee magaaladda Boorama iyo Guriga martida ee magaaladaasi habeen hore. Saleebaan Xasan Xadi oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada ammaanku ka hawlgaleen baadhista iyo raadinta dadkii falkaasi fuliyay, waxase uu tilmaamay inaanay wali dhacdadaas cidna loo qaban. “Wax lagu sheegi karo amni darro ma jirto oo dhibaato ah, mar-mar way iska dhacaan oo xabada xalay (habeen hore) ka dhacday magaalada way jireen, laakiin markiiba way ka hawl-galeen ciidamadda gobolka ku sugani oo cidii xabadaas ridayna markiiba cagaha ayay wax ka dayeen oo way yaaceen, arintani may ahayn wax weyn oo dhibaato geystay,”ayuu yidhi Maayarka Boorame. Maayarka Boorama waxa uu xusay inay jiraan tuhuno lagu xidhiidhinayo in cidi ka dambaysay falkan, waxaanu yidhi “Tuhun hore oo jiray oo lala xidhiidhinayo arrintan mooyaane, ma jiraan cid la odhan karo waa hebel oo arrintan ayaa cadaynaysa.Waanay dhici kartaa raadad loo aanaynayo falkan.” Geesta kalena dadweynaha ku dhaqan magaaladda Boorame ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ammaanka gobolka la khal-khal geliyo, waxaanay ciidammada ammaanka ugu baaqeen inay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha doonaya inay nabad-gelyadda iyo masiirka shacbiga ku khamaaraan.

Leave a Reply