Edinburgh: Xabaalaha Yaab Badan

0
457

Wuxu ahaa habeeen gudcur ah, xidiguhana waxa qariyay daruuraha madaw ee socodka xawliga ah ee sia fardaha isu daba orodaya,
Dhulkana waxa ka dhacaysay dabayl xoogan oo geedihii hadba dhinaca uu leexinaysa, laamaha ciyaarayana waxaad moodaysaa inay jaasayaan.
Hilaac iyo onkod xooga badan ayaa samada is qabsaday kaasi oo keenay inay dadku ku gurayahooda ku hoydaan, dariiq kasta iyo goob kasta la baneeyo. Laakiin dadka oo dhami ma laha guryo hoy u ah waxa jira dad seexda gidaarada. Dadkaasi xagee ayaa how u ah habeenkan qabow? Qaarkood waxay galeen guryo kharaabado ah oo ay kaga gabadaan dabaysha iyo roobka , qaarkoodan waxay galeen goobaha caamka sida istaanada Tareenada laga raaco.
Laakiin goobahni  dhamaantood maah kuwa saacdiya dadkaasi aan guryaha lahayn ee magaalada Idinbar ee Scotoland joogay habeenkii May sanadkii 1998. Dhamaan albaabda guryuhu way xidhnayeen.  Nin ayaa dhex taaganaa roobkii isagoo eegaya dhinaca midig iyo iyo kan bidix kana fekeraya wixii uu samayn lahaa iyo halkii uu u dhaqaaqi lahaa.  Isagoo ku jir madaxwareerkaasi ayuu hilaac weyn iyo onkod xoog badani ku tureen wadada dhinceeda kale iyo xaaabaha  Greyfriars Kirkyard…..  (Source The Covenanters Prison (Edinburgh).

Leave a Reply