Xafiiska Hab maamuuska Qaybtii 4aad

0
488

Waxa had iyo goor dhegahaaga ku soo dhaca weedho ku saabsan hab maamuuska oo ay ka mid yihiin, Borotakoolkii goobtu ama xafladdu, wuxu u dhacay si heer sare ah ama meesha Borotakoolkeeda ayaa ahaa mid aad u liitay. Bal haddaba aan isweydiinee waa sidee “Protocol-ka” ama hab maamuuska saxda ahi? Haddaan isku dayno in aan si sax ah uga jawaabno su’aashan, waxay tahay hab maamuusku waa curinta hannaan farshaxanimo oo tirtiri kara wax kastoo carqalad ku keena jawi xor ah oo saamixi kara, in si xor ah oo furfuran laysku dhaafsado wixii xogo ah si loo xalliyo mashaakilo ama khilaafyo iyo in la dhiso ama la unko cilaaqaad wanaagsan oo ku lug leh dhinacyada ay ka midka yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo diblomaasiyaddu.Si  hadaba, aynu  si dhab ah oo  qoto dheer u sii fahamno  qeexida iyo macnaha hab maamuuska saxda ah, aynu soo qaadano dhawrkan tusaale oo inoo muujin doona “Protocol-ka” ama hab maamuusku waxa uu yahay iyo ahmiyada uu leeyahay. Kuwaas oo ah qaar uu u soo joogey, waxna uu ka qoray khabiirka Mareykanka ah ee  la yidhaahdo  Robert W.Frye. kaas oo qoraalkiisa ku  osoo bandhigay sheekooyin la xidhiidha   hab-maamuuska, oo uu sheegay haduu xumaado inuu keeni karo fadeexado, ama uu kala fogaansho dhex dhigi karo laba dhinac  oo kulankooda iyo  ujeeddada isu imaatinkoodu markii hore ahayd inay ka wada xaajoodaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen, una yeelan lahaayeen xidhiidh ka fiican kii ay markii hore lahaayeen. Iyada oo arimahaasina ay inta badan ka dhashaan hab-maamuuska ay isku qaabilaan iyo qaabka wada sheekaysigoodu u dhacayo, oo laga yaabo in labada dhinac midkood saluugo.
Hase ahaatee aan marka hore akhristeyaasha xusuusiyo  in aanay  shaqada “Protocol” ama Af Soomaali ahaan hab maamuusku ahayn mid ku kooban kaliya dawladaha, balse, ay sidoo kalena lagama maarmaan u tahay shirkadaha waaweyn ee ka kala hawlgala dunida daafaheeda. Mar hadday sidaa tahay tusaalaha kowaad ee uu khabiirka Mareykankanka ahi kala kulmay xagga  hab maamuuska caalamiga ah aan  idiin soo qaddimo.

  • Khabiirku, waxa uu xusay inay jiraan waqtiyo ay ku soo mari karaan arrimo lama filaan ah oo aad ugu adkaan kara inay meesha ka saaraan xirfadlayaasha hab maamuusku haddii aanay ahayn kuwo   khibrad dheer hawlaha hab mamauuska,  waxaanu   sheegay khabiirkani, in Wasiirka Isgaadhsiinta dalka Shiinaha oo sida uu ku xusay qoraalkiisa ahaa nin aad u qiijiya beebka uu booqasho ku yimid dalka Mareykanka iyadoo uu casuumay Guddoomiyaha mid ka mida shirkadaha waaweyn ee dhinaca isgaadhsiinta.

Madaarka markay ka soo degeen Wasiirka iyo wefdigiisii, ayaa waxa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyey shirkadda Guddoomiyaheedii iyo madaxdii kale ee shirkadda, waxayna soo dhaweyntii loo sameeyay markiiba noo muujisay ayuu yidhi khabiirku siday uga mabsuudeen, taas oo aan ka dheehanay dareenkii ka muuqdey soo degitaankoodii iyo kii ka dembeeyay ee soo dhaweyntayadii ayuu yidhi Mr. Rober.
Wafdiga uu horkacayo Wasiirku waxa toos loo geeyay Hoteelkii loo sii diyaariyay oo la dejiyay, waxana gacanta laga geliyay xoghayntiisa qorshaha shaqo ee muddada joogitaankooda ilaa iyo waqtiga amba baxa ka dhoofitaanka dalka. Qorshahan shaqo waxa ugu soo horeeyay isla maalintaa habeenimadeedii oo ay casho ku wada yeelanayeen Hoteelka Guddoomiyaha shirkadda iyo madax kale oo isla shirkadda ah. Khabiirku waxa uu ku xusay qoraalkiisa inuu goor fiid ah sii tagay Hoteelkii si uu wax walba u sii hubiyo ka hor intaa waqtiga la gaadhin. Ilaa toban daqiiqo ka dibna waxaa   iyana  Hoteelka soo galay Gudddoomiyihii shirkadda iyo madaxdii kale ee  ku wehelinaysay cashada, kuwaas  oo uu khabiirkan oo ahaa sarkaalkii hab-maamuusku iyagana uu mid kastaba fadhiisiyey  halkii uu ugu talo-galay ee uu u  sii  qorsheeyay. Isaga oo markaas ka dibna ka  tagay si uu u soo hor kaco wafdiga martida u ah oo uu ugu horreeyo masuulkii wefdiga hogaaminayey oo ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta ee dalka Shiinuhu.
Khabiirkan oo shirkadda ka dalabtay inuu xaga hab maamuuska ka cawiyo muddada wafdigu joogo, ayaa sii joogsaday jaran-jarrada baloogii ay kaga jireen Hoteelka, waxana uu sheegay khabiirku Mr. Rober inuu salaanka wiishka “Elevator”  uu albaabkiisii ka soo baxay Wasiirkii  oo ay la socdaan xubnihii kale ee weftigu. Markii uu salaamay ee uu u soo hor kacay bartii cashada loo  diyaariyey, ayaa waxa  uu  arkay Wasiirkii oo  wejigiisii iyo dareenkiisiiba is bedeleen, oo ay ka duwan yihiin sidii ay ahaayeen maanta markii ay diyaarada ka soo degeen ee ay Madaarka ku soo dhoweynayeen.  iyada oo markan  sida uu  Mr Robert sheegayona jawiga Wasiirku ahaa mid aan faraxsanayn oo  cadho ka muuqatay.
Markii si fiican oo farxad iyo kalgacal ku ladhan yahay ay salaan isu dhaafsadeen labadii dhinac ee weftiga iyo madaxdii  shirkaduna Mr Robert waxa uu wefigii fadhiisiyey goobtii loo sii qoondeeyay, gaar ahaana  waxa uu ninkii Wasiirka ahaa ee weftiga hogaaminayey fadhiisiyey kursigii ka soo horjeeday ee  ku beegnaa kursigii uu fadhiyey Guddoomiyaha shirkadda, isaga oo  xubnihii kale ee weftigana mid kastaba ku beegay oo ka soo hor jeediyey masuulkii kale ee dhigiisa ahaa.
Intaas ka dib, waxa uu la faqay khabiirkii shirkadda u qaabilsanaa xaga hab maamuusku xoghayntii Wasiirka oo uu hoos ugu sheegay in aanay wax kasta oo tabasho ah oo ka jira dhankooda sheegistooda  kala xishoonin dhinaca kale, iyada oo xoghayntii  Wasiirka oo gabadh ahaydna markaas ka bacdi ay si degan oo hoose ugu sheegtay sarkaalkii hab-maamuska, in uu Wasiirku si qeyral caadi ah u cabbo Beebka buuriga lagu qiijiyo, xabbad qudha oo Beeb ah oo uu sitayna ay ka soo luntay, oo uu kaga dhex yimi diyaaradii ay soo raaceen, sidaa darteedna uu Wasiirku xaraaradaysan yahay, taasina ay caajis faro badan iyo farxad  la’aan ku keentay , maadaama aanu qiijin Beebkii uu cabi jirey muddo dhawr saacadood ah, balse waxay intaa u raacisay in aanay taasi wax weyn u dhimeyn hawshii ay u socdeen. Khabiirkii waxa uu markiiba dareemay in jawigu aanu noqonayn mid wanaagsan ilaa  Wasiirku uu helo wixii balwada uu u lahaa, mar walbana ka fikiri karo siduu Beeb meel uun uga soo heli lahaa. Intaa ka dib waxa uu xoghayntii su’aalay nooca uu Beebkiisu ahaa Wasiirka iyo weliba buuriga cabaa nooca uu yahay? Markii ay u sheegtayna waxa uu si deg deg ah u diray Darawalkiisii Dukaan “Supper Market” ah oo ay uu leeyahay nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha balse Mareykan ah oo inta badan iibiya alaabooyin kala duwan oo intooda badan  laga koono dalka  Shiinaha, kaas oo uu ku kalsoonaa in laga soo heli doono Beebka iyo buuriga Wasiirku cabo ee ay noocooda  xoghayntu u sheegtay.
Labaatan daqiiqo ka dibna darawalkii oo isla kii ka lumay iyo buurigiisii oo kale sida ayaa ku soo noqday Hoteelkii, gacantana ka geliyay khabiir  Robert oo isna markiiba intuu u gacan haadiyay xoghayntii ku yidhi “Waatan alaabtii ee adigu markay habboonaato u sheeg Wasiirka  in aad u soo heshay Beeb iyo buuri la mid ah kuwii uu isticmaali jiray”.  Markaas dabadeedna Xoghaynta laf ahaanteedii ayaa mar qudha farxad aawadeed wejigeedii iyo dareenkeediiba si weyn  isu bedeleen, waxayna si la yaab leh iyadoo dhoolla caddaynaysa ugu mahad celisay Mr Robert oo run ahaantii isagu qudhiisu dareensanaa in xoghaynta qudheedana  jawigeedu aanu waxba ka hooseynin ka Wasiirkeeda.
Boorsada ayay wiixii ba ku ridday dabadeedna markii loo kacay xagii cashada oo qof walba dul tagayay miisas wax walba dul yaalaan ayay  Wasiirkii dhegta u saartay inantii xoghaynta ahayd  inay u soo heshay Beebkii iyo buurigiiba, Wasiirkiina   intuu qoslay  ayuu ku yidhi “Bal aan arkee keen,” si deg deg ah ayay ugu dhiibtay, mar kale intuu aad u qoslay oo uu  Beebkii si  deg deg ah  u shitay ayuu  u yeedhay Guddoomiyihii shirkada oo ku yidhi “Hurdadii iyo caajiskii i hayay ayaa iminka dawadoodii oo ahayd Beebkan aan qiijinayo  la ii keenay  ee iska bilowda cashada” Guddoomiyihii.
Cabdilaahi A. Cumar “Wayab”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply