Jaamac-shabeel Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadallo Ka Soo Yeedhay Madax-dhaqameed Ka Soo Jeedda Koonfurta Hargeysa

0
537

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha  golaha Dhexe ee xisbiga  Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay madax-dhaqameed ka soo jeeda koonfurta Hargeysa oo si qaawan u aflagaadeeyay ciidanka qaranka gaar ahaan fadhiisinka  deegaanka  Masalaha ee magaaladda Hargeysa.
 
Waxaanu sheegay in uu isagu soo eegay  xog-ogaalna  u yahay arrintaasi isla markaana   aanu jirin Garoon la iibiyay.
Jaamac Shabeel,  oo shalay la hadlay warbaahinta  waxa uu sheegay in aanay jirin garoon ay qabsadeen ciidanka qaranka ee degan xaafada Masalaha, waxaana uu xusay in aanay haboonayn in ciidanak qaranka la ceebeeyo.
waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo arrin shalay (doraad) dhacday oo la sheegay in garoon Kubadeed oo Masalaha  ku yaalla,  oo carruurtu ku ciyaarto in ciidanka qaranku iibiyeen. Markii aan maqlay warkaa meesha waan tegay, saraakiisha ciidanka qaranka waan la kulmay, garoonka waan soo eegay,  garoon la iibiyeyna ma jiro, haba yaraatee, garoonku waa sidiisii ciidanka qaranku iyagaa is xilqaamay oo doonaya inay ku wareejiyaan dayr garoonka oo u hagaajiyaan dhallinyarada.”
 
Waxaanu intaasi ku daray “Laakiin dadka ka hadlayay garoonka  waa dad ku gabanayay ayaan u fahmay in ay ahaayeen oo aan muraadkoodu garoonka ahayn. Laakiin waxaan soo arkay waxqabad ciidanka qaranka u qabanayaan dhallinyarada, mana jirto wax garoona oo ay hungureeyeen, manay taaban garoonka.  Dhallinyaraduna waxay u sheegeen inay ku gabanayaan dad u jeedooyin kale lihi, waxaanay yidhaahdeen ma rabno in nala colaysiiyo, ma rabno oo anagaa isku  hadhayna oo dadkani way iska tagayaan” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Dhinaca kale guddoomiyaha  golaha Dhexe ee    Kulmiye ayaa  ka raaligaliyay ciidanka qaranka aflagaadadii kaga  timid cuqaashii ka hadashay  fadhiisimada qaranka ee masalaha.
Waxaana  uu yidhi “markaa xaal baan ka siinaynaa ciidanka qaranka wixii lagaga hadlayay warbaahinta waa ciidankii qaranka waa ragii dhulkan difaacayay ee u soo dhintay ee xoreeyay, markaa fool xumo weeye in lagu eedeeyo iyaga waana gef in la yidhaahdo ninka carruurtiisa u huray naftiisa carruurta ayuu wax yeelayaa wax meesha qabta maaha.
Waxaanan leeyahay waxaas oo kale yaan lagaga hadlin warbaahinta, ha la iska ilaaliyo ceebaynta iyo fadeexadaynta ciidanka qaranka, waxaan jirina yaan laga sheegin ciidanka raga waaweyn ee warbaahinta ka hadlayayna waxaan leeyahay in aad wax hubsataan ayaa wanaagsan inta aydaan ciidanka ceebayn waxaad ku hadlaysaan waa I nay noqdaan waxaad ka fiirsateen.
Dhinaca kale salaadiin iyo waxgarad ka soo jeeda koonfurta Hargeysa ayaa sheegay dhawaanin ciidanka qaranka ee degan xaafada masalaha la wareegeen garoon kubada  lagu ciyaarayo oo ku yaala deegaankaas, kuwaas oo ku baaqay in wax laga qabto.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply