Samsung Oo Daaha Ka Qaaday Galaxy Grand Max

0
376

Shirkadda Samsung waxay ku dhawaaqday inay daaha ka qaaday telefoonada gacanta lagu qaato ee mobaylka nooc cusub kaasi oo ku biiray silsiladda GALAXY Grand mobaylkaasi oo magaciisa yahay Samsung Galaxy Grand Max.
In mobayl cusub dhawaan daaha ka qaadi doonto Samsugn ayaa muddo la hadal hayay oo waxaana la soo bandhigay sawiradiisa oo lagu sheegyay inu yahay mobaylka cusub, Mobaylkani dalka lagu daah furay waa dalka konfur Korea laakin wali suuqa lama dhigin.
Sifooyinka u leeyahay mobaylku waxa ka mid ah inu ku shaqeeyo nidaamka android-ka 4.4 oo laga yaaba in laga dhigo android 5.0 lollipop, cabbirka shaashaddu waa 5.25 inch oo ah 1280*720 pixels, processor waa quad core 1.2 GHz, Kamaradda dambe waa 13 mega pixels ay la socoto Flash LED dhinaca kamaradda hore ay tahay 5 mega pixels.
Haddi aanu guda galno dhinaca xajmiga u leeyahay mobaylka wuxu leeyahay 16 GB Hard disk dhinaca RAM u leeyahay 1.5 MB, waxa kale u leeyahay WiFi iyo wuxu ku shaqayn kara tiknolojiyadda jiilka affaraad ee LTE iyo memory card microSD, qiimaha mobaylka waxa lagu sheegay inu yahay 290 oo dollar.
 
 
 
Iphone 6plus Oo Lagu Tijaabiyay In Baraf Lagu Dhex Riday
Haddi aad tahay dadka jecel mobaylada ay soo saarto Apple kollay waxa ku soo gaadhay war sheegaya in mobaylkan u leeyahay ceebo badan oo ay ka mid tahay inu mobaylkan aanu adkaysan culayska oo u qaloocsama.
Muddo ka hor ayaa lagu dhawaaqay mobaylka IPhone 6 Plus kaasi oo lagu sameeyay tijaabooyin badan, qaarkood wuxu soo saaray cilado qaarkoodna  waxay soo sareen inu fiicanayahay mobaylku.
Tijaabo ayaa lagu sameeyay oo aan ahayn kuwa ku qaloocsamaya mobaylku laakin u yahay sida u adkaysanayo mobaylku barah iyo cimalada kale iyadoo mobaylka lagu aasay barahka muddo maalin.
War fiican ayaa kasoo baxay tijaabada oo sheegaya in mobaylku u adkaystay mudada uu ku jiray barahka oo marka dambe si fiican u shaqeeyay iyadoon cillad lagu arag.
 

Leave a Reply