Tallo Waayeel: Axsaabta mucaaradku waa ka qayb dhibaatada gobolka Awdal

0
496

Anigoo ah indheergaradka jecel horumarka iyo higsiga dalkeena waxaan halkan kaga hadlaaya guusha safarka Madaxweynaha oo aan leeyahay Madaxweynuhu waajibkiisi waa u gartay xogogaalna waxa uu soo noqday xallad nololeed ee dadkiisa.
Waxaan kale oo halkan  ka jawaabaya naqdiga guracan ee xisbiga Waddani bariinsaday ee ku saabsan xajiimaynta safarka Bur iyo banaan ee sida weyn loogu diirsaday, waxaan kale oo aan talo waayeel oo nasteex ah hawada u marinayaa inta bunbuninta ka wada mushkilada gobolka Awdal ee had iyo jeer siyaasadaynaysa, waxaan leeyahay mucaaridnimaddu maaha masabid reer Awdalna waa ay taabacsan yihiin siyaasadda maanta uu ku hoggaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaan   leeyahay haddii axsaabta mucaaridku ka waantoobi waayaan kicinta iyo kala qaybinta waxay ka qayb noqon doonaan oo ay mas’uuliyadiisa qaadi doonaan tiraabta xun ee aan hagoogta lahayn waxay keento, maaha kuwii maanta tababushe u geli lahaa inay dhegta shacabka maxasta iyo da’yarta ku yidhaahdaan dagaalama oo qoriga qaata?
Nimanka hadda sidaasi leh waa kuwii inta badan lahaa mujaahidiin baanu ahayn?
Horaa loo yidhi Habar dhali wayday aleelo ku waalatey.
Waar ka daaya meel kasta ha ka daayine mucaaridnimo, waxaa la idinka baahan yahay mucaaridnimo qaangaadha oo aad bulshada ku kasbataan, waxaan mar labaad Madaxweynaha leeyahay waanu kugu bogaadinaynaa socdaalkaaga.
Allaa Mahad Leh
Xaaji Dhinbiil
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply