Swiss: 21 Kun Oo Gini Ayaad Ilmaha dhasha Magac Ugu Bixin karta

0
461

Dalka Swisertland shirkad  lagu magacaabo Aervollgesoal  ayaa baahisay xayaysiis noqday kii ugu horeeyay ee  la maqlo. Shirkadan ayaa sheegtay in dadka doonaya in caruurta u dhalata magac loogu bixiyo  ay la soo xidhiidhaan shirkadan si loogu dooro magaca fiican. Shirkadda ayaa sheegtay in magaca ay u bixinaysaa uu noqonayo magacyada dhifta ku aha dunida isla markaana uu jeclaysan doono waalidku.
Shirkada  Aervollgesoals  ayaa sheegtay in qiimaha laga qaadayo qofka magaca loogu bixinayo ilmihiisa uu noqon doono 21 kun  Ginniga Ingriiska ah. Waxaana ay sheegtay inay doonayaan in dadka maalqabeenka ahi ay macmiil u noqdaan, kuwaasi oo lacagtan si dhib yar u bixin kara.  Shirkadan ayay shaqaale u yihiin 13 aqoonyahan oo baadhaya magaca naadirka ee loo bixin karo ilamaha dhasha. Waxa kale oo shirkadda ka sheqeeya 12  Turjumaan oo haddii uu waalidku u baahdo in magacaasi luqad kale loogu turjumo isla markiiba bedelaya. ( Kuliyoum 25/01/2015).

Leave a Reply