“Waxaan Leeyahay Reer Awdal Maanta In Aad Qori Qaadataan Ma Haboona, idinkoo Dalka Soo Xukumayay 20 Sanadood” Axmed Yuusuf Yaasiin

0
362

Hargeysa (Dawan):  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  ayaa soo jeediyay in  Suldaan Abubakar Cilmi Wabar  loo diro Ergo madax-dhaqameed ah oo wadda-hadal ku dhamaysa waxa uu tabanayo ee  uu   buuraha u galay.
Waxaanu sheegay in aan wakhtigan la joogo loo baahnayn in dalku uu gallo fawo iyo dagaal  loo baahan yahay in laga shaqeeyo isku duubnida bulshadda,  isagoo tilmaamay in Somaliladn ay leedahay Cadow badan isla markaana loo baahan yahay in mar kale suldaan Wabar ergo odayaal ah loo dirro.
“Arrinkan Suldaan Wabar,  anigu tallo ayaan ka bixiyay  looma baahna is-wareen.  waxaan qabaa in ninkaasi  mar kale lagu celiyo Ergo, waayo uma baahnin Xabad dhacda oo wadankeena ka sanqadha.  waxaan doonaynaa in aynu isku duubnaano cadaw-badana weynu leenahay.
 
Waxaan  soo jeediyay ninkaas Suldaanka ah  loo diro Madax-dhaqameed Ergo ah,  inta aanu gobolkaasi Fawdo gelin.  Ergaduna waa xujo haddii ay keeni-waayaan Somaliland oo dhan-baa og” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay  Magaalada Hargeysa ugu waramay telefishanka Af-Soomaaliga ku hadla ee Star.
Waxa     kale oo uu sheegay in bulshada gobolka ay  muddo soo xukumayeen Somaliland islamarkaana aan loo  baahnayn cid ku dhaqaaqda falal ka dhan ah jiritaanka iyo qarimadda Somaliland.
Waxaanu intaasi raaciyay  in goboladda Awdal iyo Saaxil ay muddo 20 Sanadood ah soo xukumayeen Somaliland, isagoo ka waramay  heerka ay maamulka xukuumadeed iyo ka aqoontaba ka gaadheen goboladda Awdal iyo Saaxil ee ay dheer yihiin goboladda kale ee dalka.
 
isagoo  sheegay in ay muddo aad u dheer dalka u soo talinayeen, isla markaana looga baahan yahay in ay dul-qaad muujiyaan.  waxaanu yidhi “Awdal iyo Saaxil dalka waxay xukumayeen 20 Sannadood oo kolba mid ha ahaado Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, waxaan leeyahay dul-qaata muddo dheer-baad dalka soo xukumayseen’e.
 
mar  aan marayay Magaalada Laasacaanood 2007-kii waxaan ku idhi reer Laasacaanood Gobolka Awdal waxa ka qalin-jabiyay Dufcado badan oo waxay ahayd Jaamacaddii u horaysay ee Wadanka.  waxaan kula talinayay reer Laasacaanood inay Qoriga dhigaan oo Qalinka qaataan si ay uga midho-dhaliyaan horumarka ay gaadheen reer Awdal.
Waayo  adduunku maanta  Qalin ayuu wax ku jaraa oo Qori waa la dhaafay. Markaa waxaan leeyahay reer Awdal maanta iyada oo 20 Dufacadood ay ka soo baxeen Jaamacada Gobolkiina oo heerkiinu marayo heerkii u sareeyay maanta inuu Nin Qori qaato ma haboona mana fiicna, waxaan leeyahay qaabkiinii iyo Qalinkii aad dadka iskugu keenayseen ku shaqeeya.”
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore waxa uu ka hadlay qaabkay u qabsoomi-karaan Doorashooyinku, waxaanu yidhi  “Waxa jira laba Doorasho oo isa-saaran Xukuumadda iyo Komishanka waxaan u soo jeedinayaa yaan la fududaysanin labadan Doorasho awal waa la kala qaadi-jiray.
 
haddaba  qaabka ugu fudud ee loo geli-karo waa in laga fikiraa. ILAAHAY-baa mahad leh oo intaas oo dhan inagu soo gaadhsiiyay Dawladnimo iyo wadda-jir, waxaan leeyahay tafaraaruqa inaga ilaaliya oo wixii la samaynayo si wadda-jir ah ha loo sameeyo oo wixii jira Bari iyo Galbeedna ka taagan ha lagu dhameeyo is afgarad iyo Nabad-geliyo oo halkaas aynu ka sii guurno.”
By. Khalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply