Baraf iyo Dabeylo ku Dhuftay Maraykanka iyo Kanada

0
457

Dabeylo qabow aad u xoogan wata ayaa ku dhuftay xeebaha waqooyi bari ee Mareykanka iyo bariga Canada.
Dabeylaha qabowga ah ayaa la filaayaa inay cagta mariyaan dhammaan gobolka, saacadaha soo socda.
Dadka ku taqasusay cilmiga dabeylaha ayaa ka digaya in dabeylaha la socdo barafka dhacaya ay aad sare ugu kicikaraan.
In kabadan lix kun oo duulimaad ayaa la joojiyay, waxaana looga dhawaaqay xaalad degdeg New York iyo shan gobol oo kale.
Magalaada New York ayaa la hakiyay gawaadhida dad weynaha. Qaar ka mid ah goboladana waxaa la mamnuucay kaxeynta gawaadhida xilliyada habeenkii.
Iskuulada ayaa la filaayaa inay xidhnaadaan illaa arbacada.
 
 
 

Leave a Reply