Basaasiin Ruush ah oo Maraykanka lagu Xidhay

0
399

Dacwad oogeyaasha federaalka dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay kashifeen saddex nin oo Ruush ah oo ahaa basaasiin iskuxidhan.
Ragaasi oo iskudayay in ay uruuriyaan macluumaad ku saabsan dhaqaalaha dalkaasi iyo in ay shaqaalaysiistaan ilo ay macluumaadka ka helaan.
Mid kamid ah ragaasi oo lagu magacaabo Evgeny Buryakov, ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taala magaalada New York, waxaana lagu dacweeyay in uu wakiil u ahaa dawlad ajnabi ah isaga oo aan wargalinin dawladda Maraykanka.
Waxaa lagu eedeeyay in uu macluumaad ka uruurinayay cunaqabataynada uu Maraykanku saaray bangiyada Ruushka.
 
 
 
 
 

Leave a Reply