Boobe Oo Xag-xagashada Siyaasiyiinta Beeshiisa Kalsooni Kaga Raadinaya Hoggaanka WADDANI

0
383

Hargeysa (Dawan) Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa xubno xilal Wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadda oo dhowaan sheegay inay ku biireen  Xisbiga WADDANI, ka dib markii  uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ka qaaday xilalkii Wasiirnimo ee uu hore ugu dhiibay oo ay masuuliyadoodii iyo xil gudashadoodiiba  ku fashilmeen, ayaa si uu tiqo iyo kalsooni ugaga helo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa oo la sheegay inaanay weli si buuxda u aaminsanayn  xisbinimadiisa, waxa uu bilaabay inuu si indho la’aan ah oo xaqiiqada ka fog uga been sheego  Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle. Kaas oo uu  ku eedeeyey, kuna ribeeyay  in uu ka daba hadlay Madaxweynihiisa, isla markaana uu ku hadlay wax ka duwan hadalkii  uu   Madaxweynaha Somaliland  dhowaan markii uu ka soo laabtay kormeerkii uu ku marayay gobolada iyo degmooyinka dalka, ku  sheegay inay xukuumad ahaan  doorasho diyaar u yihiin, isla markaana aanu jiri doonin wax dib u dhac ah oo  ku yimaada in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto.
Hase ahaatee Mr Boobe oo shalay warbaahinta taageerta Xisbiga WADDANI kula hadlayey xarunta dhexe ee xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu si qaawan oo yaq yaqsi iyo indho isku qabasho lahayn ugu masabiday Wasiirka Maaliyada Md Casiis Maxamed Samaale, waxaanu ku dooday in hadalkaas Madaxweynaha ee doorashooyinka ku saabsan uu beeniyey Wasiirka Maaliyadu, isla markaana uu sheegay in xukuumada loo kordhin doono muddo xileedkeeda, taasna lagu  aqbali doono sandule oo aanay jirin cid diidi karta iyo cid ka hadli kartaa toona. Iyada oo uu hadalkaasina yahay been la dhoob-dhoobay iyo mixnad la doonayo in xukuumadda dagaal siyaasiya laga dhex curiyo. Eedaha Boobena aanay waxba ka jirin oo aanu Wasiir Samaalle odhan waxaas dusha loo saaray.
Hadalkaas beenta ah, ayaa la sheegay in Mr. Boobe uga jeedo inuu kalsooni iyo iimaan kaga kasbado Guddoomiyaha WADDANI oo aanay wali u qurqursamin isla markaana aan yaqiinsanayn in Boobe noqon karo kaadir kaalin adag u gufayn  kara jaangoyta siyaasadda xisbigaasi, iyadoo taasina ay sababtay isagoo aan wadan wax taageereyaal ah oo maqaaladiisa cayda ah iyo shakhsiyadiisa  jac-jacoorka ah ku biiray xisbigaas.
Sidaas darteed, waxa Mr. Boobe  uu laylis naftiisa ugu diray inuu burush ceebeed la dabo taagnaado xubnaha Wasiirrada ka soo jeeda beeshiisa ee Samaalle ka mid yahay. “26-kii bishan oo Isniintii ahayd Wasiirka Maaliyaddu mar uu kahadlayay Xaflad Maansoor ah wuxuu ka sanqadhiyay inay Muddo kordhini iman karto,laguna khasban yahay oo ay sandule tahay marka ay timaado.Kala hadalka iyo Madaxweyne ka daba hadalku Ceeb kuma aha Haakah Sugeyaasha Hungoobay,balse waa Caadadood, “ayuu ku tiraabay Boobe oo hadalkan uga dan lahaa inuu shaki ku kala dhex dhigo  xukuumadda Siilaanyo.
 
Hadaladan been abuurka iyo aflagaadada ah ee uu  Boobe kula kacay  Wasiir Samaalle, waxay ka yihiin ismuujin iyo in uu kalsooni ku helo, maadaama aanu illaa hadda jaan-gooyeyaasha siyaasadda WADDANI aanay ku qancin Mr. Boobe oo ay u arkaan inuu yahay naftii la carar aan hal qof u soo jiidi Karin xisbiga.
 
Wasiir Samaalle waxa uu hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay si dedaal ku jiro ay iskaga xil saartay u diyaar-garowga doorashooyinka oo ay xili horeba miisaaniyad sanadeedka qaranka ku dareen dhaqaalihii xukuumada laga sugayay ee lagu qabto doorashada.
Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu sheegay in haddii laga qarmi waayo ay doorashooyinku qabsoomi waayaan ay waajib tahay in lagu dhaqmo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, taasi oo ah dhaqan dabiici ah oo dastuurka wadanku jideeyay in lagaga badbaado inay dawlad la’aani dalka ka dhacdo.
 
“Qolada muddo kordhinta ka hadlana, Madaxweynihii hore laba jeer ayaa loo kordhiyey , Axmed Siillaanyo korodhsiimo dooni maayo, waayo  kalsooni ayuu qabaa, haddiise ay timaado  oo duruufta dalku keento sunne  soo socdayey bay ahayd ee  iyadana  ha diidina. Sideetan Cododka ugu badan marka la isku daro  boqolkiiba konton ayuu ku soo baxay,, haddii ay korodhsiimo timaado, oo duruuftu keento, mid isaga ka timid maaha, iyadana sandule weeye in la aqbalaa,”ayuu yidhi Wasiir Samaalle, hadalkaasina ma ah mid la odhan karo waxa uu ka dabo-hadlay madaxweyne Axmed Siilaanyo.
 
Si kastaba arrintu ha noqotee Boobe Yuusuf Ducaale Garaado iyo xidigo kagama helayo Guddoomiyaha WADDANI cayda iyo aflagaadada Wasiirrada iyo siyaasiyiinta beeshiisa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply