“Waxa Jira Siyaasiyiin Sool ka Soo Jeeda oo Aan Jeclayn In Wax Laga Qabto Gobolka, Cidii Wax-qabanaysana La Dagaalamaya”

0
413

Laascaanood  (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin u dhashay Sool oo aan ogolayn in horumar laga fuliyo Gobolka, kuwaasi  oo uu ku eedeeyay inay la dagaalamayaan qofkii wax u qabanaya deegaankaas.
 
Wasiirka Caafimaadku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay  shirka sanadlaha ah ee lagu dejiyo qorsheyaasha wasaaradaasi oo markii  u horaysay  shalay lagu qabtay magaalada Laascaanood, waxaanu noqonayaa markii u horaysay ee shirkaasi lagu qabto magaalo aan  ahayn caasimada Hargeysa. Shirkan Waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime-waaxeedyada iyo  qaybaha wasaaradaasi ka kooban tahay.
 
 
Xagla-toosiye Xaglo toosiye waxa uu ka hadlay dad dano siyaasadeed leh oo Madaxweynaha hortiisa ka sheegay in caafimaad aanu jirin “arrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo siyaasadaysan,waxay  u malaynayeen in Madaxweynuhu aanu ka war-qabin xaalada caafimad ee dalka, waa nasiib darro, laakiinse waan fahamsanahay anigu,waxaa jira dad la dagaalama oo aan jeclayn in Gobolka wax loo qabto,weliba waa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool, kuwaas oo la dagaalamaya qofkii raba inuu wax ka qabto,Waxaan idiin cadaynayaa in shakhsi ahaan aanan u joojinayn dadka noocaas u fikirayaa,Wixii aan qaban karana waan qabanayaa.”
Wasiirku waxa uu farta ku fiiqay qodobbada laga doonayo in laga soo saaro shirka lagu qabtay Laascaanood, waxaanu yidhi “Shirkan waxaan rabaa in madaxdu ay ku soo saarto qorshaha iyo hadafyada aynu rabno in aynu gaadhno si aynu u dhamaystirno Wixii himilo ah ee inoo qorshaysan,Sannadkii hore wixii innaga qabyoobay waa inaad miiska soo saartaan si aynu u qabyo tirno.”
Wasiirku waxa uu iftiimiyay isbedelka Cisbitaalka Laascaanood ku yimid mudadii uu xilka hayay, waxaanu yidhi  “Runtii Maalintii Wasaaradan  la ii dhiibay dhakhtarkani wuu xidhnaa,  Wasiirkii Xilka igu wareejiyay Xil wareejintiisii ayay ka mid ahayd dhakhtarka Laascaanood iyo ka Ceerigaabo inay xidhan yihiin, Safarkii ugu horeeyay ee aan ku imidna qashin baa tuulnaa,  waxaa maanta ii farxad inuu furan yahay oo shaqaynayo oo dadku jiifaan dhismayaashuna ku soo kordheen,Safarkii u horeeyay ee aan imid waxaa la igu lahaa Dhakhtarka noo fur ,maantana haddii aad leedihiin dhakhtar qalliin ayaanu u baahanahay waa alxamdulilaah.”
 
“Horumarku maalin kuma yimaado, maadama cisbitaalka dhawaan la furay wakhti ayay qaadanaysaa sidii waxa ka dhiman loo buuxiyo, mudadii sannadka iyo badhka ahayd ee aan joogay wasaarada waxyaabaha kale ee aan qabtay waxaa ka mid ah Iskuulka Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee gobolka Sool oo lacag Sadex boqol oo Kun oo dollar ku dhow dhow ay gashay anigaa dhagax dhigay oo dhisay isla markaana furay waa dhisme dhaxal gal ah oo soo saari doona kal kaaliyeyaasha caafimaadka ee dalka guud ahaan iyo gobolka Sool-ba u baahnaa.
 
Meesha la yidhaahdo Kala-baydh, Xudun iyo Awr boogays hay’ad UNFPA la yidhaahdo ayaan ku soo xidhay oo qalabka iyo daawadana bixisa isla markaana mid walba oo ka mid ah Sadexdaas Xarumood Shaqaalaha ka hawlgala siisa  gunno fiican,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
 
Sidoo kale, Agaasimaha Guud Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame,  ayaa ka xog waramay wax-qabadkii u hirgalay qorsheyaashii  caafimaadka Sannadkii tagay ee 2014 iyo qabyada jirta ee la rabo in sannadkan la dhamaystiro.
 
Shirkaasi ka dib Waxa uu Wasiirka Caafimaadka iyo madaxda Wehelinaysay ay Kormeer ku soo sameeyeen Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood isagoo soo indho indheeyay Xaalada Cisbitaalka iyo bukaan jiifka yaala waxaanu warbixin ka dhagaystay Gudida horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply