Hogaanka Cusub Ee Dalladda SONYO Oo Xilkii La Wareegay

0
394

Hargeysa ( Dawan): Hogaanka Cusub ee Dalladda Heer Qaran ee Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa si rasmi ah  ula wareegay xilkii dalladdaasi xaflad aad u ballaadhan oo ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayna ka soo qayb galeen Madaxda Xisbiyada Qaranka: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan.
 
Waxa kale oo xafladaasi ka soo qayb galay Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Wasiirrada Maaliyadda, Dhallinyarada, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiir xigenada Qorshaynta qaranka iyo Warfaafinta, Badhasaabka iyo Maayarka Boorama, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Dadweyne aad u tiro badan.
Qabsoomida Xafladdan ayaa ku soo begmaysa kadib markii 30-kii Bishii December 2014 doorashadii ka dhacday Xarunta dhexe ee dalladda SONYO cod aqlabiyad ah ururada dalladda ku bahoobay ugu doorteen hogaanka labada sanadood ee soo socda kuwaasi oo markii ugu horraysay taariikhda SONYO noqday Guddoomiye iyo Ku Xigeen ka soo kala Jeeda Gobolada Awdal iyo Sool Md. Siyaad Cumar Cali iyo Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo xubnaha Golaha sare ee ay Hogaamin doonaan oo noqonaya Golihii 7aad ee dalladda SONYO yeelato.
Xafladda Waxa daah furay oo khudbad dheer ka soo jeediyey Guddoomiyaha Xilka Wareejiyey Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo ku dheeraaday arrimaha badan ee u qabsoomay mudadii labada sanadood ahayd ee uu xilka SONYO hayay, Guulaha ay gaadheen, dadaaladii ay sameeyeen iyo taariikhda SONYO markii ugu horraysay oo ay sharaf u tahay in ay ka tagayaan iyada oo SONYO ka hanta badan tahay, ka waxqabad badan tahay kana baxday kiradii ay ku jirtay oo ay maanta leedahay xarun guud oo dhismaheedu ka kooban yahay laba dabaq.
“Waxaa maanta sharaf weyn noo ah aniga iyo Golihii 6aad ee aan hogaaminayay inaanu xilka ku wareejino wakhtigii sharciga ahaa iyada oo aanaan maalin dhaafin. Waxa noo sharaf ah in aan xilkii iyo masuuliyaddii dalladda heer qaran ee SONYO maanta ku wareejinayno Guddoomiyaha cusub iyo Golihiisa 7aad ee uu hogaamin doono” ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee SONYO Md. Mubaarik Taani isaga oo sheegay in mudadii ay xilka hayeen wax badan ka qabteen Arrimaha Dhallinyarada iyaga oo dhinaca kalena safarro badan ugu kala baxay dalalka Maraykanka, Yurub, Asia.
Afrika iyo dalal badan oo kale kuwaasi oo ay kula soo kulmeen komishanada iyo uruarada dhallinyarada ee caalamka oo ay soo bareen dhallinyarada Somaliland, khibradii ay shirarkaa caalamiga ah kala soo laabteena ay ku qabteen shirar iyo kulamo badan oo kii ugu dambeeyey ahaa shirweynihii dhallinyarada Somaliland oo ay isugu yimaadeen in la badan Lix Kun oo dhallinyaro ahi. Guddoomiyihii hore waxa uu mid mid u soo qaatay waxqabadkii u suura galay mudadii 24-ka bilood ah ee ay xilka hayeen hogaanka cusub ee xilka uga dambaynaya kula dardaarmay in ay halkaa iyo meel ka sarraysa dalladda gaadhsiiyaan.
Waxaa isna madasha ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee SONYO ee xilka la wareegay Mudane Siyaad Cumar Cali oo u mahad naqay Hogaankii hore ee xilak ku wareejinaya mudadii sharcigu dhigayay isaga oo ballan qaaday in uu isna si milgo leh sidan oo kale xilka SONYO wakhtigeeda dhiibi doono.
Waxaanu yidhi  “Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhamaan Marti-sharafta soo qiimeeyey xafladdan qaran ee ballaadhan sida Golaha Wasiirrada, Xildhibaanada, Xisbiyada qaranka, Aqoonyahanka, Badhasaabada iyo Maayarrada iyo dhammaan marti sharafta kale. Aniga iyo Golahayga sare ee Toddobaad waxaan ku dadaali doonaa in aan halkaasi ka sii qaadno meeqaamka iyo Milgaha SONYO. Waxaanu ku shaqayn doonaa caaalad iyo in aanu u soo jeedno hadh iyo habeen dhammaan dhallinyarada qaranka ee aanu xilkooda qaadnay.
Doorasho marka ay dhacdo lagama waayo qaddar yar oo xafiiltan ah waxaan ku dadaali doonaa xubnaha naga cadhooday ee tirada yar in aan soo celiyo oo aan ku shaqeeyo midnimada iyo wax wada qabsiga SONYO. Hogaankii hore iyo halka ay soo gaadhsiiyeen waa wax muuqda annana waxaan ku dadaali doonaa in aan meel sare gaadhsiino. SONYO in ay maanta yeelatay hogaan ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool waxa ay muujinaysaa wax wada yeelashada qaranimo oo dhallinyaradu hormuud u utahay taasina waa sharaf ay muujiyeen ergooyinkii SONYO ee codkooda na siiyey”.
 
Sidoo kale waxa madasha khudbad dheer oo qiimo badan ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka qaranka Md. Cabdilaahi Jawaan oo SONYO kula dardaarmay in ay dadaalkaasi sii laban laabto sida maanta qaranku ugu faanayana ay sumcaddaasi sii ilaashadaan oo wax wada qabsadaan. Cabdilaahi Jawaan waxa uu xusay in kooxda yar xafladdan xil wareejinta ka baaqatay ay dhawaan casuumeen oo ay u yeedheen balse uu diiday isaga oo eegaya sharciyadda iyo aqlabiyadda SONYO waxaanu ugu baaqay in cid kasta oo ka cadhootay doorashadii dhawayd dib loo soo celiyo oo la isu hanneeyo guusha.
 
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadallada isaga kala dambeeyey ayaa si weyn ula dardaarmay hogaanka cusub ee SONYO hambalyeeyeyna Hogaankii hore ee xilka wareejiyey. Wasiir Samaale waxa uu SONYO u ballan qaaday in xukuumadda uu ka tirsan yahay sidii awal ay ula shaqayn jireen iyo si ka sii weynba in ay ula shaqayn doonaan mar walbana ay garab taagan yihiin dhallinyarada qaranka.
 
Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay in siyaasadda xisbiga KULMIYE ay udub dhexaad u tahay horumarinta dhallinyarada Somaliland. Buuggii ololaha doorashada ay ku galena wixii kaga aaddanaa horumarinta dhallinyarada boqolkiiba 70 iyo in ka badan ay u hir gashay maantana ay sii laban laabayaan sidii ay dhallinyarada ula shaqayn lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Cabdoo Axmed Aayar, Maayarka Degmada Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Qorshaynta qaranka, Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo madashii xil wareejinta SONYO ka hadlay ayaa dhammaantood ammaan u soo jeediyey hogaankii hore ee SONYO si weyna ula dardaarmay hogaanka cusub iyo waaga cusub ee SONYO u baryey ee is badalka leh. Iyaga oo cid kasta oo SONYO dhexdeeda wax ku tirsanaysa la qanciyo oo ay sharciyaddu hogaamiso hayaanka dalladda .
Gabagabadii Munaasibadda waxa halkaa lagula kala wareegay xilkii SONYO iyada oo Guddoomiyihii hore ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani uu si rasmi ah Guddoomiyaha cusub Md. Siyaad Cumar Cali ugu wareejiyey dhukumantiyada Xil-wareejinta SONYO, Hantida dalladda, Xafiiska maamulka.
shuruucda iyo dhammaan hawlaha dalladda. Waxa xusid mudnayd in Guddoomiyaha SONYO halkaasi xataa ku warejiyey Teleefankii gacanta ee Guddoomiyaha oo kaadhkii ku jiro iyo Hard Disk-gii xogta dalladdu ku jirtay oo uu sidan oo kale laba sano ka hor ula wareegay. Tallaabadaasi oo muujinaysa bannaan yaalnimada iyo xalliibnaanta (Transparency and Accountability) oo ah milgo lagu majeerto dalladda SONYO.
 
Ugu dambayn waxa madasha soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo hadalo dardaaran ah madasha ka soo jeediyey.
Dawannews Haregeysa office

Leave a Reply