Suxufi Caan Ah” I Maqla Anigu waan Islaamay”

0
412

Dunida galbeedka islaaminimada aqoonyahanada, Madaxada, Faylasuufyad, iyo dadka aqoonta bartay oo dhan ayaa si xoog leh uga socota. Henery M.Broder waa suxufi asalkiisu Yuhuudi Jarmal ah, isla markaana caan ah. Waxa lagu bartay sida uu islaamka uga soo horjeeday ee mar kastana u dhaleecayn jiray. Waa suxufi weyn oo da’disu tahay 61 sano, Waa qoraa soo saaray buugaag tiro badan, kana sheqeeya Wargeyska Shebeil ee Jarmalka. Buugaagta uu qoraa waa kuwa loogu iibsi badan yahay, sanadkii 2007 ayaa lagu siiyay abaal marin qoraalka Buugaagta.
Ninkan xag jirka ah aya maalin keliya iyadoon laga filayn qoray cinwaanka ah “ I Maqla Anigu waan islaamay “ Aad ayaa looga yaabay arinkan oo dunida galbeedkana wareer ayuu ku riday “ Markii uu islamay aya warbaahinta qaarkood ay siiyeen cinwanka “Yaabkii Todobadka, Hennery wuu islamay” Waxaana uu yidhi Henry “ waan goostay inaan ka mid noqodo bulsho la xaqirayo lana cadaadinayo “ waxan goostay markii aan sameeyay baadhis xeel dheer . waaxaan ogaday in aan cidla taaganahay.  Arinkan ayaa muujinaya sida aqoon yahan kasta oo baadhis sameeyaa uu Islaamnimada u qaato.

Leave a Reply