“Wasaarada Arrimaha Dibadu Waxay Warqad Umay Qorin Hay’adaha Qarammada Midoobay”

0
503

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegtay in aanay jirin warqad Wasiir Maxamed Biixi Yoonis u diray hay’addaha Qaramada Midoobay ee degan Xaafadda Masallaha ee Magaaladda Hargeysa oo uu ugu sharaxayay amniga Xaafaddaasi, warkaasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalku.
 
 
Warsaxafadeed  uu shalay soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibada Maxamed Xasan Siciid oo lagu beeninayo warkaasi ayaa u dhignaa sidan:-
 
 
 
 
 
“Wasaarada Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland waxa ay halkan ka beeninaysaa war aan sal iyo raad toona lahayn oo ay baahisay shabakada wararka ee Togaherer, taasi oo lagu baahiyay shabakado kale ee warbaahineed.
 
Sida ummadda reer Somaliland la socoto Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuryada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxa uu in muddo ahba ku maqan yahay dalka dibadiisa isaga oo shirar caalamiya oo lagaga hadlayay Ictiraaf raadinta Somaliland  ka qayb galay. Haddaba waxa ayaan-darro ah in Shabakada Togaherer ay War been abuur ah oo dhaawacaya nabadgelyada iyo sumcadda dalka ah baahisay.
 
Wasaarada Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ahi, waxa ay halkan ku caddaynaysaa in aanay jirin wax warqad ah iyo war arrintaasi khuseeya oo ay soo saartay ama u gudbisay Hay’addaha Qaramada Midoobay. Sidoo kale wararka noocan oo kale ah ma aha qaar suurto gal ka ah Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiinta kale ee qaranka midkoodna.
 
Wasaaradda Arrimaha dibadu waxa ay arrintan u gudbin doontaa Hay’addaha sharciga, maadaama oo been-abuur laga sameeyay Wasiirka iyo Qarankaba.”
By. Khalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply