Wasiir Abgaal Oo Bogaadiyay Qodobbadii Ka Soo Baxay Shirkii Beelaha Awdal

0
392

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal  ayaa si buuxda u taageeray Qodobbadii  ka soo baxay shirweynihii beelaha Awdal deegaamada Awdal. Qodobbadaasi oo uu  ku tilmaamay kuwo wax ku ool ah, isla markaana u hiilanaya qarnimada Somaliland.
 
Wasiirka Boosaha waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu tilmaamay in natiijadii shir beeleedkii Beelaha Gado-buursi ee lagu qabtya deegaanka Gob ee degmadda Lughaya uu hiil yahay qaranimadda Somaliland.
Wasiirka oo ka hadlayay shirkaasi iyo  sidii uu ku dhashay waxa uu  yidhi “Waxa marka hore aan hambalyo iyo bogaadin  u dirayaa anigoo aad ugu qanacsan duqaytidii iyo wax-garadkii kale ee halkaa shirka ku qabtay, sidii wanaagsaneed ee dhaqanku ku jiray ee ay hawshaa u maamushay iyo qoddabadii ka soo  baxay, guud ahaan xukuumaddana aad bay arrinkaa u soo dhawaysay, anigana shakhsi ahaan anigoo  xukuumadda ka mid ah, waxaan aad iyo aad ugu hambalyeenayaa Qodobbadii  iyo wanaagii ka soo baxay shirkaas, anigoo  awalba dareensanaa runtii inuu ku gabo-gaboobi doono sidaa wanaagsan, waxaan waliba aad ugu amaanayaa mudadii ay tabaabushaha wadeen iyo intii ay shirka fadhiyeen, hadal iyo buuq la’aantii iyo asluubtii wanaagsanayd ee ay hawsha u maamuleen ayaan aad ugu amaanayaa, shirku shir dhaqan buu ahaa xakuumada hawshaa abaabulkeedii iyo tabaabushaheeda waxba kumay lahayn, dareen xunna kamay qabin xukuumadu.”
“Aniguna shaqsiyan ergay maan ahayn oo la iguma soo casuumin wixii ka soo baxayna waan ixtiraamayaa, in la shiro oo intaas oo qof meel iskugu timaadana oo qodobo wanaagsana laga soo saaro aad baan ugu hambalyeynayaa, inuu midho soo saarayana waan dareensanaa” ayuu yidhi Wasiirka Boosha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal.
BY: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply