“2014-kii 150 Qof Oo ka Tagay Somaliland Iyo Somalia Ayaa Ku Dhintay Tahriibka”

0
482

Hargeysa (Dawan)- Urur samo-fal oo fadhigiisu yahay Denmark oo ka shaqeeya wacyigelinta tahriibka dhalinyarrada, ayaa war-bixin uu soo saaray ku sheegay in sanadkii 2014-kii ay saxariirka iyo surmiga tahriibka ay ku dhinteen 150 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo ka kala tagay Somaliland Iyo Soomaaliya.

Sidaasna waxa sheegay madaxa  la dagaalanka tahriibka ee ururka Horn Dialogue Foundation  Mr. Cabdifataax Awaare, oo waraysi siiyay wargeyska DAWAN, isagoo booqasho ku jooga Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ugu horayn, waxa uu C/Fataax Awaare, sharaxaad kooban naga siiyay sidii ururkoodu ku abuurmay, waxaanu yidhi “Ururkan Horn Dialogue Foundation waxa la aas aasay sanadkii 2012.kii waxana lagaga dhawaaqay dalka Denmark, annaga oo xafiisyo ku leh wadamada Ingiriiska, Kenya, Somalia iyo meelo kale sidoo kale waxa aanu dhawaan xafiis ka furan doonaa magaaladan Hargeysa.

Runtii waxa uu ururkani u taagan yahay la dagaalaanka tahriibka isaga oo ku hawlan kor u qaadida wacyigalinta iyo tababarada dhalinyarrada , annaga oo ka soo qayb galnay sanadkii 2014.kii shirar badan oo looga hadlayay arrimaha dhaliinyarrada kuwaas oo lagu qabtay wadamo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen shirkii is dhexgalka bulshada oo ka dhacay dalka Induniisiya magaalada Baali, iyo shirar kale oo ka qabsoomay magaalada Cobanheegan ee dalka Denmark, Kenya iyo Jarmalka.”

Mr. Cabdifataax Awaare oo aan wax ka waydiiyay heerarka ay maraan dadka tahriibayaasha ahi waxa uu yidhi “Waxa jira boqolaal dhalin-yarro ah oo maanta ka tahriiba dhulkooda hooyo kuwaas oo mara dhibaatooyin badan inta ay jidka ku sii jiraan, iyaga oo u gacan gala Ragg la baxay magacyo kala duwan oo kale ah Ma gafe, Ma Gabade iyo Ma Dhaafe oo dhammaantood ba ah kuwo isku xidhan oo silsilad ah isla markaa ka ganacsanaaya dadka loo yaqaan tahriibayaasha, runtii nimankan aan soo sheegay waa kuwa maanta da’yarta uga sabab ah inay tahriibaan waayo Ma gabadaha waxa ay shaqadiisu tahay inuu soo ururiyo dhammaan dadka raba inay wadanka ka baxaan isaga oo si toos ah u gaadhsiiya madaxooda u sareeya oo loo yaqaan Ma Gafe, halka ma dhaafuhu yahay gacanyaraha ka sii hooseya ma gabadaha, Raggaasi waxa ay marka hore sii bixiyaan lacagta uu qofku kaga baxaayo dalkiisa iyaga oo hadhoow helaaya lacag ka badan tan ay ka soo bixiyeen, marka uu tahriibuhu gacanta u galo ma gafe waxa ay waalidkiisu u diraan lacag lagu sii daayo taas oo tiro badan, waana halka ay dhaqaalaha badan ka helaan ragga ka hoos shaqeeya ma gafaha ee ma Gabade iyo ma Dhaafuhu.”

“Runtii dadka tahriibayaasha ah marka ay marayaan saxaraha waxa lagu qaadaa baabuur yar kuwaas oo si arxan darro ah dadka laysugu dul raaro iyaga oo mararka qaar ay dadku ka dhacaan gawaadhidaasi yar-yar isla markaa lagaga dhaqaaqo halkaasi oo ay ku geeriyoodaan, markaa waa arrin xanuun badan oo uu ka didaayo damiirka nooli xataa sharaftii iyo karaamadii dadkaasi waa mid luntay oo waxa sida ay doonaan ka yeelaaya dad aanay af aqoon oo cawaan ah,”ayuu sheegay.

Cabdifataax Awaare waxa uu sidoo kale iiga waramay dadka uu ururkoodu diiwan galiyay ee ku geeriyooday socdaalka tahriibka iyo kuwo xabsiyda ku jira waxaanu yidh “Sanadkii 2014.kii Soomaalida ku geeriyootay tahriibta ee aanu ognahay 150 qof oo ka kala tagay Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo qaar bada ku dhinteen qaarna ay baabuuri la dhacday, waxa dhici karta in tirada intaa ka badan tahay laakiin waa inta aanu hayno ee diiwaan gashan, sidoo kale waxa jira kumanaan kale oo ku xidhan xabsiyada Suudan iyo Liibiya kuwaas oo dhibaato weyni ku hayso xabsiyadaasi, mararka qaar waxa dhacda in hooyo Soomaaliyeed ay ku fool qaado jeelka gudihiisa iyada oo sidii dhakhter loo gayn lahaa loo baryo raga madaxda ka ah jeelashaasi taas oo keenta inay halkaasi ku naf waydo hooyada iyo ilmaha ay siday-ba.”

Madaxa la dagaalanka tahriibta ee Ururka Horn Dialogue Foundation waxa uu baaq u jeediyay waalidiinta waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan waalidiinta iyo Bulshada meel kasta oo ay joogaan inay ka hor tagaan khatarta ay ubadkoodu u badheedhayaan ee tahriibta waxaan leeyahay ka war haya caruurtiina oo bad baadiya cududa iyo mustaqbalka dalka ee beegsanaaya dhibaatooyinka tiradda  badan, wacyigalintana hala balaadhiyo.”

By: Sagal Cabdiraxmaan(Filibiin)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply