“C/Raxmaan Cirro Weli Wax u Eg Khudbad Hogaamiyenimo Kama Hayno, Isagaana Dabada ka Riixaya In Doorashadu Dib u Dhacdo”

0
396

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha guddi hoosaadka Arrimaha Dibadda ee golaha Wakiiladda Somaliland Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa naqdiyay  hadallo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isagoo ku eedeeyay in xisbigaasi uu ku kacay waxyaabo lidi ku ah qaran-nimadda Somaliland.

 

Xidlhibaan Kijaandhe, oo  shalay Hargaysa ugu waramay DAWAN, waxa oo uu sheegay  in guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha Wakiiladda in uu isagu caqabad ku yahay in doorashooyinku ay qabsoomaan, maadaama oo aanu weli goluhu ansixin xeerkii lagu soo dooran  lahaa mudaneyaasha aqalkaasi, iyadoo uu xeerkaasina hor yaallo golaha Wakiiladda.

 

 

Waxaanu yidhi “Xukuumadu wixii kaga aadanaa doorashadda way diyaarisay, oo ay ka mid  tahay kharashkii ku baxayay doorashooyinka,  Markaa arrinta doorashooyinku golaha baarlamaanka ayuu dhexyaalaa, xeerar badan oo aan weli samaynin way jiraan. Markaa xaggga xukuumadda ayaan waxba lagu soo riixin, xataa xeerkii lagu soo dooran lahaa  xildhibaanadda golaha Wakiiladda ma samaysna oo golaha ayuu horyaalaa”.

“Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isaga ayaa guddoomiye u golaha Wakiiladda, markaa waxay ila tahay xisbiyadda mucaaridka ah iyaga hala waydiiyo doorashadda, oo weliba C/raxmaan Cirro hala waydiiyo  in doorashadu dib u dhacayso iyo in kale, isaga ayaana dabadda haya oo dib u ridaya in doorashooyinku ay xiligoodii ku qabsoomaan. C/raxmaan Cirro ayaanu waxba xagga xukuumadda ku soo riixin haddii dib u dhac ku yimaado doorashooyinka”.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka ah  in ay ka waantoobaan hadaladda Cayda iyo Cunfiga xambaarsan ee ay u soo jeediyeen  masuuliyiin xukuumadda  ka tirsan.

“Tartanku waxa uu ku fiican yahay in si fiican loo tartamo oo wixii xaqiiqo ah la sheego, laakiin in hadalo cay iyo af-lagaado ah in dadka lagu weeraro waxaasi siyaasadda kuma haboona,  in si shakhsi ah la isku weerarana ma aha, aad iyo aad ayaan uga xumahay hadaladii ina Buubaa uu ku weeraray wasiirka Arrimaha guddaha ee uu wax kaga sheegayay, waanan ka xaal-siinayaa wasiirka daakhiliga arrintaasi, Ibraahim Buubaa waa ku layli siyaasadda”.

 

Waxa kale oo  uu sheegay xildhibaanku in xisbiga Waddani uu ku fashilmay in uu ummadda u soo ban-dhigo barnaamijkiisa siyaasadeed, iyadoo ay taasi bedelkeeda  mar kasta ka hadlaan xisbiga Kulmiye,  xukuumadda talladda haysa  iyo madaxweynaha qaranka oo ay af-lagaadeeyaan.

 

“Guddoomiyaha Waddani marka uu  meelahaasi ka hadlayo waan u fiirsadaa, markaa xisbiga Waddani ma aha mid leh aragti siyaasadeed oo meel ku jihaysan, waxaanay inta  badan ka hadlaan oo keliya xisbiga Kulmiye iyo madaxweynaha dalka, waxaanan anigu taasi ka jeclaan lahaa in ay soo ban-dhigaan oo ay ummadda tusaan waxyaabaha ay kaga duwanaanayaan Kulmiye iyo hogaamintiisa.  

Maalinta uu C/raxmaan Cirro akhriyo khudbad u dhiganta mid madaxweyne waa la raacayaa, weli wax  u eg khudbad madaxweyne ama hogaamiyenimo kama hayno. Cirro maalintii Burco ee loo soo baxay ayaan is lahaa waxa uu akhriyi doonaa khudbad u eg mid madaxweyne, laakiin wuxuun buu iska yidhi xukuumadda waa loo kordhinayaa mudadda, waxaan u soo jeedinayaa in xisbiga Waddani uu dib isugu noqdo oo uu bulshadda u soo bandhigo hadafkiisa. Laakiin wixiisu waa hawl-maalmeed ayuun buu ka hadlaa”.

Sidoo kale Kijaandhe, waxa uu ku eedeeyay xisbiyadda mucaaridka ah in ay u hadlaan qaab ay wadaniyadu ka madhan tahay oo aanay waxba uga tudhaynin dalka iyo dadkaba, isla markaana ay inta badan hadaladoodu u muuqdaan ama loo arko in ay yihiin kuwo garab siinaya cadowga Somaliland.

 

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiyadda mucaaridka ah mararka qaarkood waxaan kala garan waayaa in ay cadow ku yihiin dalka iyo in ay nasteex yihiin, arrimaha suldaan Wabar oo kale marka laga hadlayo ama marka meelo dibadda ah laga hadlayo waxaad moodaa in ay gacmo shisheeye ku jiraan mucaaridka.”

 

Dhinaca kale xildhibaan Axmed Kijaandhe, waxa uu soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan beelaha Samaroon ugu soo gabagaboobay deegaanka Geb ee ka tirsan gobolka Awdal, waxaanu sheegay in shirkaasi ay ka soo baxeen  waxyaabo beesha qabsatay iyo dalkaba dan au ah.

“Waan soo dhawaynayaa waxyaabihii ka soo baxay shirkii beesha Guda-biirsi ku qabsatay deegaanka Geb, waxaanan filayay anigu in ay ka soo baxayaan waxyaabo dan u ah, isla markaana taageeraya dawladnimadda Somaliland, waayo gobolka awdal waa halkii laga soo dhisay Somaliland” ayuu yidhi xildhibaanku.

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply