Khudaar Kala Duwan Oo La Cunaa Waxay Ka Hortagtaa Geerida Deg Dega Ah

0
395

Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa lagu cadeeyey in khudaar kala duwan oo la cunaa inay keento cimriga oo dheeraada ,sidoo kalena ay ka hortagto geerida deg dega ah,gaar ahaana ta ay keento wadne xanuunka .
Daraasadan oo ay samaysay jaamacadda Harvard University ee dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegay in khudaartaasi ay geeridaasi deg dega ah ay ka hortegi  karto %9,iyada oo ay tahay ta ay keenaan waxyaalaha wadne xanuunku uu keeno.
Waxaanay sheegeen inay inta badan keenaan geeridaasi xanuuno laga qaado macdan la’aan ,madaama oo aanay dadku inta badan cunin khudradaasi kala duwan oo laga helo macdano kala duwan,kuwaas oo jidhku u baahan yahay.
Kooxdan ayaa is barbar dhig ku samaysay laba daraasadood ,kuwaas oo lagu tijaabiyey laguna sameeyey dad gaadhaaya ilaa 100,000 oo qof,socdayna muddo 14 sanno ah,kuwaas oo la kala sameeyey mid walba markeeda,sidoo kalena ay kala duwanaayeen jaamacaddo kala duwani.
Waxaana markasta la eegaayey habka cunto ee dadkaasi iyo waxyaalaha ay cunaan,taas oo inta badan laga dhex baadhaayey dadka khudradda kala duwan isticmaala ama cuna,waxaanay sheegeen inay heleen dad cuna khudradaasi kala duwan ,kuwaas oo ka cimri dheer kuwa kale.
Daraasadan ayay kasoo saareen warbixin ,taas oo ay ku sheegeen in aanay ahayn oo keliyaata in khudraddani yarayso dhimashada deg dega ah ee ay cuduradu keenaan ,laakin ay sidoo  kalena yarayso %15 cudurada wadnaha ku dhaca oo ah kuwa dhimashooyinka kala duwan keena sannadahan.
Waxay tilmaameen inay khudradaasi yarayso wadne xanuunka,xanuunada wadnaha ku dhaca,unugyada jidhka oo xidhma iyo xanuuno kaleba.
Khubaradan ayaa sheegay in khudaartan ay ku jiraan waxyaalo gas leh oo u fiican xiidhmaha ,sidoo kalena ay ka heli karaan dadku Vitamins,macdano,barootiino iyo waxyaalo u wanaagsan dheef shiidka oo caloosha jilciyaa.
 

Leave a Reply