Ku Iibso Dawadan Lacag Dhan $15 million Oo Dollar Ama Dhimo

0
415

Dawada lagu magcaabo  Eculizumab ayaa noqotay mid aad qaali u ah,iyada oo lagu daweeyo xanuunka lagu magcaabo Paroxysmal Nocturnal Hemoglobinuria oo ah mid caalamka ku cusub,waana dawo dabiici ah inta badan oo aan lagu samayn meelaha dawooyinka lagu sameeyo sidoo kalena aan lasoo marin wax lab ah oo lagu eego.
Dawadan ayaa lacag ahaan noqotay mid gaadhey $15 million oo lacagta Maraykanka ah,inkasta oo xarunta caafimaadka qaranka ee dalkaasi Ingiriisku ay isku dayday inay sicirka dawadaasi hoos u dhigto haddana may noqon mid suurtogashay ee ayay usii kacday.
Dawadan ayaa laga yaabaa inay sannadka dambe iyo kuwa soo socdaba gaadho lacag dhan $130 million oo lacagta Maraykanka ah,iyada oo ay dawlada dalkaasi Britain-na ku dedaalayso inay dadka aan awoodin uga dhigto lacag la’aan,waxaana inta badan keenay dalkaasi dawada dad gaara .
Meelaha lagu iibiyo ayaa lagu sameeyey boodhadh kuwaas oo lagu qoray hadaad dawadan u baahan tahay ku iibso lacag dhan $15 million oo dollar ama dhimo,taas oo macnehedu yahay in qofku dhimanaayo haddii aanu haysan lacag intaasi le’eg.
Xanuunkan ayaa ah mid dhamaan laynaaya Cells-ka dhiiga ,gaar ahaana kuwa cad cad iyo kuwa cas cas intaba,isaga oo u laynaaya si dhakhso ah,waxaana meesha ka baxaaya difaacii jidhka dadka,taas oo keenaysa inuu qofkaasi si dhakhso ah ugu dhinto xanuunkaasi.
Warbixin laga diyaariyey dawadan ayaa la sheegay in laga isticmaalaayey dawadan wadamad Yurub iyo Maraykanka muddo 7 sanno oo keliyaata ah,iyada oo xanuunkan hore loogu arkay dalkaasi Maraykanka,laakin lala tacaaley.
Dawadan ayaa lagu magcaabaa Soliris,waana mid caalamka aad qaali ugu ah waqtigan.

Leave a Reply