Kulan Ku Saabsanaa Sidii Haweenka Beelaha La hayb soocaa ka qaadan karaan Siyaasadda

0
341

Hargeysa(DAWAN): kulan lagaga hadlayay sidii ay haweenka ka soo jeeda dadka la hayb-sooco uga qayb qaadan lahaayeen talladda dalka ayaa shalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay ururka  magaciisa loo soo gaabiyo USWO (Ubax Social Welfare Organization) oo kaashanaya hay’adda UNDP, ayaa

 

 

Waxaana   ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday xukuumada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ku xigeenka wasaarada caafimaadka, shaqada iyo arimaha bulshada, wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada,, gudoomiyaha xuquuqal insaanka Somaliland, xildhibaan Baar Siciid, gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye, Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw, Boqor Iimaan Warsame,  iyo marti sharaf kale. 

Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Nimco Xuseen Gowdhan oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa sheegatay in guud ahaanba dumarka reer Somaliland ay isku xaalad yihiin isla markaana  aanay jirin haween gaar ah oo ay haysataan  daruufo gaara.

 Waxaanay Marwo Nimco  haween waynaha Somaliland u soo jeedisay inay fadhiga ka kacaan oo ay bulshadda inteeda kale   wax la qaybsadaan.

 

Waxaanay tidhi “Dumar oo dhan ayaa laga tirro badan yahay, oo ma jiraan dumar iyaga ay haysato duruuf u gaara.  waxaan u soo jeedinayaa guud ahaan haweenwaynaha reer Somaliland inay cududooda mideeyaan, waayo cida codka bixisaana marka doorasho timaado waa dumar laakiin marka ay noqo magacaabis madaxwayne waxaynu odhan karnaa xukuumadani waa xukuumadii ugu badisay haweenka maadaama ay xubno kaga  jira golaha wasiirada, iyo guud ahaan qaab dhismeedka dawladda.

 

 Wax  badan ayay ku leeyihiin laakiin waxa inaga maqan kuwii ku imanayay cod hadii markaa aad idinkuna markaa ka qaybgali lahaydeen asxaabtaa qaranka iyo ururada bulshada waad soo gaadhi lahaydeen halkan, markaa waxaan idiin leeyahay fadhiga ka kaca oo guntiga Dhiisha iskaga dhiga.  dumarka kale waxba idinma dheera  ka qayb gala, oo  ka soo baxa guryaha”.

 

 wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Shugri Xariir Ismaaciil, oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa iyadna tilmaantay in aanay duruuf faquuq oo u gaarah haweenka ka soo jeeda dadka lagu sheego kuwa laga tiradda badan yahay, balse ay taasi la wadaagaan haweenka kale ee dalka.

 

 

waxaanay tidhi “Arrinta aynu  maanta  (shalay)   u fadhino oo ah muhiim,  muddo badan ayaa laga hadlayay inkasta oo aan odhan karro  gaar  uma  aha haweenka halkan fadhiya ee isku tirinaya inay yihiin kuwa laga tiradda  badan yahay,  ee waa miday la wadaagan haween waynaha reer Somaliland”.

 

Gudoomiyaha  ururka USWO  Cabdilaahi Xasan Digaale, oo isna xafladaasi  hadal ka jeediyay ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedadda loo qabtay kulankaasi, isagoo xusay in xukuumadda talladda haysaa ay tahay mid aad ugu soo jeedda arrimaha dadka la hayb-sooco gaar ahaana haweenka.

 

 

 “Kulankan aynu maanta (shalay) iskugu nimid waa mid muhiim ah oo lagaga hadlayo sidii dumarka dadka laga tiradda  badan yahay  uga qayb gali lahaayeen talada dalka.  waana mawduuc muhiim ah  oo aan  odhan karno wuu maqan yahay in laga hadlana  u baahan, inkasta oo dawlada wakhtigan joogtaana waa xukuumad aad moodo inay u soo jeedo oo wax la qabato dumarka iyo dadka laga tiradda  badan yahay.  dumarkuna waa inay dedaal badan muujiyaan, talada dalkana dumarku way ku yar yihiin marka loo eego tirade guud ee bulshada” Ayuu yidhi gudoomiyaha ururka USWO.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi   “Waxaynu ognahay in dadka laga tirada badan yahay aan ragiiba laga qayb galin talada dalka  oo ku yar yihiin  dumarkiina way ka sii xag jiraan iyada oo guud ahaan dumarka Somaliland si buuxda looga wada qayb galin talada dalka.

 

 Kulankani  waxaynu diirada ku saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada, xirfada haweenka laga tirada badan yahay iyo hankoodaba waayo haddii aanu qofku han lahayn meelna gaadhi maayo,  waxaanan ka soo qayb galayaasha kulankan ka codsanayaa inay han yeeshaan, waxaan ugu baaqaynaa xukuumada inay xil iska saaraan haday tahay talada dalka, fursadaha waxbarasho ee dalka iyo fursadaha shaqo,  waxaanan rajaynayaa inay sugmi doonto xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, iyada oo kulankana aanu ka soo saari doono baaq lana shaacin doono.”

 

Sidoo kale boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame, oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii kulankaasi ka qayb galay oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa u mahad celiyey dadkii kala soo  qayb galay kulankaasi iyo cidii soo qaban-qaabisayba.

 Waxaanu  yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celiyaa dhamaanba ka soo qayb galayaasha kulankan, madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta xukuumada ee nagala soo qayb galay, intaas ka dib  horta qof waliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhargaa.

 Wadankan  aynu joognana halgankiisii gacanta ugu weyn waxa ka qaatay dumar   iyaga ayaana wadnaka dhisay markii wadanku burburay, inaga ayaana  laynooga fadhiayaa, inagana haddii uu mar kasta calaacalkeenu bato ma qumana”.

 

Farxiya X.Xuseen Jaahuur, oo ah gudoomiyaha  komishanka xuquuqal-insaanka Somaliland iyo xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah golaha wakiilada iyo gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye, oo iyagna  munaasibadaasi ka hadalay ayaa dhamaantoodba  sheegay sida ay muhiimka u tahay in dumarka laga qayb galiyo talladda dalka, iyaga oo dumarka ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahayna ugu baaqay inay midoobaan isla markaana fir-fircooni muujiyaan.

By: Yoonis M.Jaamac

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply