Sadqadu Waxay Xidhaa Albaabada Sharka (Qiso)

0
416

Dagaalada ayaa keena dhimasho, dhaawac iyo xata wakhtiyo maxaabiis la qabsado.  Dagaal dhex maray ciidan muslmiin ah iyo kuwo gaalo ah ayay gaaladu ku qabatay dhawr ka mid ahi rag muslmiinta ka tirsanaa.
Ragga Dagaalka lagu Qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wiil Dhalinyaro ah, Wiilkaan waxaa Dhashay Hooyo Saalixad ah, oo Allah (sw) goor kasta u cibaadaysan jirtay, waxayna dhashay keligii. May garanayn meel uu ku sugan yahay nolol iyo geeri midna.
Iyadoo maalin Qadadii diyaarisay ayuu nin miskiin ahi isa soo taagay oo weydiistay raashin uu cuno.  Iyadoo aan haba yaraatee gacanta gelin raashinkii ayay wada siisay miskiinkii. Waxayna Allah (sw)  ku bariday “Alloow Raashinkaas anoo u baahan ayaan adiga Dartaa u bixiyay, Ilaahayow Saddaqadaas darteed inankaygii iigu soo celi, isaga ayaa Wehelkayga ahaaye, yaa Rabbi Wiilkayga oo Caafimaad qabo iisoo celi”.
Toddobaad ka dib waxaa Guriga yimi Wiilkii oo kaliya oo iska lugaynaya. Hooyadii ayaa ku tidhi :”  Inankaygiiyow Muslimiintii kale mala soo daayay?, Wuxu ku jawaabay: “Maya Hooyo Kaligeey ayey i soo daayeen, Hoodayadii ayaa ku tidhi: Sidee kaligaa laguu soo daayey Wiilkaygiyoow?, wuxuu ku yidhi: Hooyo waa Amaar Ilaah, sababtoo ah waxey igu Xidheen Xadhig, Xadhigii wuu Go’ay, mid kale ayey igu xidheen wuu Go’ay, mid kasta sidaas ayuu u Go’aayey, ka dib waxey ii geeyeen, Nin Wadaad ah oo iyagu ay ixtiraamaan, Haddaba, Wadaadkii ayaa igu yidhi: Wiilyahoow ma Hooyo Saalixad ah ayaad leedahay?, Haa ayaan ku idhi, kolkaas ayuu yidhi: Wiilka sii Daaya oo Hooyadiiba u soo Ducaynaysee, sidaasi ayey igu soo daayeen Hooyo.
Hooyada ayaa aad u Faraxday, waxayna ogaatay inuu ilaahay Ducadeeda ka Aqbalay. Wayna u mahadnaqday Allah (sw) iyadoo laba rakcadood tukatay.
 

Leave a Reply