AFRIKA: Caddaymo Muujinaya in La dedejiyo Ka Qayb-galka Siyaasadeed ee Haweenka

0
370

Gudiga u qaabilsan Midnimada Afrika dhanka Siyaasadda ayaa sheegay inay bulshada Afrika ka dhex muuqdaan rabitaan iyo doonis lagu dalbanayo in la kordhiyo oo la dedejiyo ka qayb qaadashada siyaasadeed ee Haweenka.
Haweenayda madaxa ka ah gudigan Dr. Aisha Laraba Abdullahi ayaa ku warbixisay maalintii Khamiista in wadamo badan oo xubno ka ah Ururka midnimada Afrika ay hoosta ka xariiqeen kobcinta siyaasadeed ee haweenka qaaradda, waxana ay caddaysay in faa’iidada ku jirta tijaabadaas lagu ogaaday Dalka Ruwanda oo ay haweenku ka dhex muuqdaan siyaasadda, bulshada rayidka ah, shaqaalaha Dawlada iyo Kambaniyada madaxa banaan, wakhti yar oo kooban-a ku talaabsaday koboc dhaqaale oo la taaban karo.
Dr. Aisha Laraba Abdullahi oo arintaasi ka hadlaysay waxa ay tidhi: ” 64% xubnaha baarlamaanka Dalka Ruwanda waa haween, taasoo ah qiyaas cusub oo ay u dhigeen taariikhda Baarlamaanada Aduunka, xilli 40% liiska golaha Wasiiraduna ay haween yihiin, Hay’adda sadexaad ee garsoorkana ay haweenku ka noqdeen 40%, tanina waxay si cad u muujinaysaa dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagu inay jirrid adag ku yeelanayaan qaaradda, taasoo ay barbar socoto horumarka dhaqaale ee qaaraddu samaynayso”
Dhanka kale Madaxa Gudiga siyaasadda ee Ururka midnimada Afrika waxay sheegtay in 50% ay haweenku ka yihiin tirada guud ee Qaaradda ee sii cagacagaynaysa ilaa hal Bilion oo ruux, haweenkaas oo ku adag inay qaaraddu xaqiijiso himiladeeda.
Sida la ogyahay daraasadihii u dambeeyey ee la sameeyey waxay soo bandhigeen in 70% cududa haweenka  afrika ay ka qayb qaataan shaqooyinka beeraha, sidoo kalena ay 90% ku lug leeyihiin wax soo saarka cuntada qaaradda laga isticmaalo.


 

Leave a Reply