“Ictiraafkeenna waxa Hor Taagani maaha Sharciyad ee waa Siyaasad u baahan in aynu ka Gudubno..”

0
377

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada qorshaynta  Dr.Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyay jidka ay Somaliland u mari karto aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in caqabadaha hor taagan aqoonsiga Somaliland uu la xidhiidho arrimo siyaasadeed oo loo baahan yahay in laga gudbo.
“Anigu waxaan qabaa ictiraafka Somaliland inuu Innaga  innagu xidhan yahay, horta innagaa loo baahan yahay inaynu u dhaqano sidii Qaran oo aynu muujino nidaamka dawladeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo sharciyada caalamka, ILAAHAY ayaa mahad leh  tallaabooyin badan baynu sameenay oo shan doorasho ayeynu galnay oo dimuqraadiya,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre.
Wasiir Sacad waxa uu ku baaqay in loo midoobo sidii ay jawi qurux badan ugu qabsoomi lahayd doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan, waxaanu yidhi “Nabadii baynu sugnay  imika waxaa loo baahan yahay in midnimada la adkeeyo, hadda doorashooyin baa innagu soo socda markaa waxaaynu u baahanahay in doorashooyinkaasi  ay  si habsami ah oo qurux badan inoogu dhacaan, haddii taasi inoo suurto gasho wax badan bay ka taraysaa ictiraaf raadinta Somaliland.”
 
Wasiirka Qorshayntu waxa uu sheegay in waxa Somaliland loo aqoonsan waayay ay tahay arrin la xidhiidha dhinaca siyaasadda, waxaanu yidhi  “Ta dibadda waxaaynu u baahan nahay runtii  dedaal badan laga galo, laakiin waa in dedaal intaas ka sii badan u galno oo qadiyadeenna u soo ban dhigno calamka, innaga iyo Soomaaliya waxaynu nahay laba waddan oo kala gooniya oo kala taariikh ah  oo maalin isku darsaday,  waliba isku darsigaasi muu marin nidaamkii sharciga ahaa, garyaqaanadu waxay ku odhanayaan isku darsigaasi ma buu xalaaloobinba xaga sharciga, markaa maanta waxa ina hor taagani sharciyad maaha ee waa siyaasad weeyi . Markaa sidii carqaladaa siyaasadda uga gudbi lahayn ayaa la innaga rabaa inaynu samayno.”
 
 
“Waxaynu baahan nahay inaynu  culayska  saarno sidii aynu wax u soo saari lahayn, ama beer ha ka soo baxo amaba  bad ha ka soo baxo ama warshad-ba ha ka soo baxee,  laakiin sidii waxaynu leenahay aynu u soo  soosaari lahayn baynu u baahan nahay, Dadkeenna maal-qabeenka ah maanta inta badan waxay yaqaanaan ganacsiga oo ay ku barbaareen oo ay wax ka heleen oo aqoon kale uma laha meelaha kale ee wax soo saarka, markaa waxa loo baahan yahay bal inaynu is qaybinoo oo maal gashano wax soo saarkii.
Markaa waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada inay maalgashi ka sameeyaan xaga beeraha, xaga xoolaha, xaga kalluunka, xaga warshadaha, runtii waxaaynu jecelnahay  toddobaadkii maalin ama laba maalmood haddii aynu nahay muwaadiniinta Somaliland in aynaan wax kale cunin wixii wadankeenna ka soo baxay mooyee” ayuu  yidhi Wasiirka Qorshaynta oo habeen hore  u waramayay warbaahinta qaranka..
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply