“Muddo Dhaafka Wakiiladda Ee Guddoomiye Cirro Maxaa Xaaraan ka Dhigi Waayay?”

0
399

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu bedali karo Madaxweyne ku yimi codka shacabka.
Wasiirka ayaa waxa uu sidan ka sheegay waraysi uu la yeeshay suxufiga rug cadaaga ah ee Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal barnaamijka milicsiga siyaasiga ayaa waxa uu uu ku eedeeyey guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Cirrana guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani inuu ku fadhiyo muddo dhaaf isla markaana  shan sano hayo xilka guddoomiyaha golaha wakiilada.
“Madaxweyne la doortay Madaxweyne la doortay ayuun baa bedala waxa kale oo taalla Golaheenna wakiilada ee Guddoomiyaha ka yahay Mudane C/raxmaan Cirro  ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Shan sanno ayuu muddo dhaaf yahay maxaa muddo kordhinta uu ku fadhiyo  xaaraan ka dhigi waayay intaa doorashadu qabsoomi wayday,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista.
 
Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu mar labaad sharaxan yahay isla markaana  uu soo dhaweynayo siyaasiyiinta KULMIYE ee hanka yeeshay ee tilmaamay inay murrashaxiin yihiin Madaxweyne Siilaanyo dabadii.
“Qof kasta oo muwaadinna xaq ayuu u leeyahay in waxna doorto, lana doorto inuu han yeesho, waxba kama xuma oo ragii Madaxweynaha la soo halgamay ee garbihiisa ahaa inay  han yeeshaan anigu xumaan uma arko, Madaxweynuhuna mar labaad ayuu xaq u leeyahay, waana murashax, cida   tidhi Madaxweynaha dabadii ayaan murashaxiin  nahay, waxaan qabaa waa sax, ragaas waan ku ammaanayaa in ay han yeeshaan,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply