Itoobiya: Sodomeeyo Milion oo isu Diiwaangeliyey Doorashada May,2015

0
413

 
Addis Ababa January 30/2015 – Gudiga doorashooyinka ee Dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashooyinka wadanka ka dhacaya bisha May ee sanadkan ay illaa hadda isu diiwaangeliyeen dad tiradoodu gaadhayso  Soddon iyo Kow Milion, afar boqol sadex iyo Toban kun & afar boqol iyo kow iyo Konton qof.
Ugu yaraan 283 urur siyaasadeed iyo musharixin madax banaan ayaa ilaa hadda iyaguna isu diiwaangeliyey doorashooyinka Baarlamaanka federaalka iyo kuwa golayaasha Gobolada oo isku mar ka qabsoomi doona Wadankaasi.
Gudiga sare ee Doorashooyinka Qaranka Itoobiya oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (NEBE) ayaa dhowaan go’aamiyey in urur siyaasadeedka  cadaalada iyo dimuqraadiyadda (Andinet) oo uu hogaamiyo Tigestu Awol iyo ururka kale ee  Ethiopia Unity Organization (AEUO) oo uu hogaamiyo   Abebaw Mehari ay ka qayb geli doonaan doorashooyinka loo ballansan yahay.
Shir jaraa’id oo ay gudiga Doorashooyinka Itoobiya qabteen habeenimadii Jimcaha ayaa Xoghayaha gudidaasi Nega Dufissa, waxa uu sheegay in Gudidu joojisay iany doorashada ka qayb galaan kooxda uu horkaco Mr Belay Fekadu oo loo arkay in si sharcidarro ah looga dhex doortay, sharciguna yahay in Gudoomiyaha Xisbiga lagu doorto shirweynaha guud ee Ururka ama Xisbiga.
 

Leave a Reply